Breaking News:Saaka Tukaraq Xaladeeda iyo Qasaaraha Rasmiga ee kala Gaadhey

Saaka Waxaa Colaad Xun laga Dareemayaa Sool iyo Deegaano Sanaag Ku Dhow ,soomaaliland Ayaa Ciidamo Ilaa Burco iyo Hargeysa ka Keentay.

Puntland Ayaa iyaduna Wada Abaabul kacdoon Shacabka inay iska dhaciyaan Maamulka Soomaliland ee Laascaanod xooga ku haysta.

Marqaan media Ayaa Daba Gal Ku Haysey Saacado Qasaaraha Rasmiga ee Kala Gaadhey Ciidamada puntland iyo Kuwa Maamulka Soomaliland.

Saraakiil Labada Dhinac Ayaa Xaqiijiyey Qasaaraha Gaadhey Dhinacyada,waxaa La xaqiijiyey Dhimashada 29 askari oo Soomaliland Ah iyo 50 Dhawac Ah sidoo kale Sadex Baabur ayaa laga qabsaday Puntland.

ciidamada dhintay Puntland waxaa la sheegay 16 dhintay iyo 35 dhawac sidoo kale Soomaliland Laba Baabur oo mid gubtey ayaa laga qabsaday.

inkasta oo Qasaaraha kordhi karayo lakiin Saraakiisha Caafimaadka Ayaa Sidaa Xaqiijiyey.

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

10 Comments

  1. meeye kuwii ka faani jiray webkaan ee iidoor waxaad ku waalateen Farmaajo iyo faderaal baa na soo weeraray waxaa tiheen hasha geela cunta oo cabaada intaad dad dhulkiis ku soo duusheen ayaad waliba qaylinaysaan waar wax isku fala oo ka xishooda hadalada qaarkood Tukaraq ma iidoor baa leh maxaa idin keenay in laydin ku aaso waad is taahishaan.

    • 😂😂😂😂😂😂😂😂😂 Soomaali ba Mar hore ku maah maahday habar fadhiida lagdiin la fuduuda. 😂😂😂😂😂😂😂😂😂
      Lama haayo meel ay ciiriib iyo jaan dhiigeen. 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂

  2. 😂😂😂😂😂😂😂😂😂 Soomaali ba Mar hore ku maah maahday habar fadhiida lagdiin la fuduuda. 😂😂😂😂😂😂😂😂😂
    Lama haayo meel ay ciiriib iyo jaan dhiigeen. 😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂😂

  3. Dadkiinan wareersan ee Marqaan warkeeda iska rumaysta ayaaba cajiib ah.

    Horta Puntland wey fashilantahay illaa iyo imika. Waayo ka gaadhsiiya intay dabaal degwyaan ayay is yidhaahdeen, dabadeedna waxbaa halkaas ka raacay. Guulna may gaadhin oo meelo cusub may qabsan. Iyaga ayaaba dib loo riixay.

    Xagee lagu arkay Taangi nool oo fay ah oo la qabto? Ma xayaysiis ahaan ayuu meesha u yaalay. Taangi gubtay waa larki jiray. Laakiinse mid toos loo qabtay wax aynaan hore ula qabsan.

    Tan kalee Dawlada Federaalka ahna so ciidamadii la’idiin qarameeyay ee 2000 ka badnaa ee dawladu Federaalka ahi musharada iyo saanada siiso dagaalka dhankooda kagama jiraan? Yaad sheeko baralaydaas ula imanaysaan. Meesha siyaasad iyo dagaalba waa ku jirtaa. Xitaa qaar Jubaland laga keenay ayaa idinla jira. Ha yeeshee wixiinaas dhan oo la isku daray oo dhan waanu iskaga fikanahay. Maantana hadaanu dabaal degii kasoo faraxalanay waxa la fishaaba waa iyada oo jabaq haday dhankiina nooga tumaado aanu tobobar iyo cashar cusub idin siino.

  4. war ka jooga buunbuuninta dagaalka waxaad joogtaan dalal shisheeye maahan ka dhimanayo idinka waxa dhimanayo waa dad masaakiin la soo qalday teeda kale waxaan waa xamiya aljaahiliye kii u dagaalo iyo kii la jirana waa isku dambi waana waxa naarta lagu galo.gaas iyo muuse biixi waxey dhaylo ku dhex cunayaan madaxtooyada waxa dhimanaayo waa kuwo xoolaha ku caqli ah.

  5. Boondheere ama Naga dhexbax ama dhankaad la jirtay kolkii horeba KU biir oo dagaalka nagala hor kaalay. Maanta kolkay isku daygii Puntland ku riiqmatay ayaad hoosta uga barooranaysaa. Kkkk low key weeye shuqulkaagu.

    Nimankan qadiyadan qabiileysan ee beri hore bakhtiday seynta haya ee taagow kici isleh hadaanaan jidka cad iska marinin ka na deyn maayaan ee Naga dhexbaxbax.

    Meesha ficilbaa yaala. Ficiltanbaana lagu kala baxayaa haday garwaaqsan waayeen in waxani wax soconaya aanu aheyn. Muuse iyo Gaasna midna into dheyladaas cuno ayuu qadaad qadaad u seexan, ka kalena ka degi meyso, hurdona gam’i maayo oo siduu isku rogrogayo ayuu waayuhu u beryi doonaan. Labadaas boos ninba kuu ku qoran yahay was iska garanayaa ayaan filayaa.

  6. AHMED
    SCW SAAXIB HADAAN IRI DAGAALKA HALA JOOJIYO MA XUMAAN AYAAN SAMEEYAY HADAAN LABADA DHINAC MID RAACSANAHAY DEE WAABA LA SAFANLAHAA LKN ANIGA SI DAR ALE AH AYAAN U IRI DAGAALKA HALA JOOJIYO MOOJI HADAAD IGA URINEYSID YACNI REER KOONFUR AHAAN HADA WAXA KULA DAGAALAMAYO WAA REER PUNLAND CID KALE KUMA LUGLEH MASE WAXAAD DHIHI DEE DAWLADA FEDERAALKA AYAA QEYB KA AH DAGAALKA KKKKKKKKKKKK MA OGTAHAY IN NINKII PILOTKII DIYAARADA KU DEJIYAY JABUUTI INUU ADEERKEY YAHAY TAAS SOW IDIN MA HIILIN MARKII SIYAAD BARE IDINLA DAGAALAMAYAY WAXAAN KU SHIRIBNAY DIFAACA DALKA DIIDI MAAYO ISAAQ KU DUUL DOONI MAAYO ADEER TAARIIKHDU BEEN MA SHEEGTO WEYDII ODAYAASHIINA DAGAALKA ANIGU CIDNA LAMA JIRO SAA WAX XAQ KU DIRIRAYO UMA. JEEDO RASUULKU CSW WAXUU YIR LABADII MUSLIM AH OO ISDISHA ALQAATIL WALMAQTUUL FII NAAR WAXAAN LEEYAHAY ALLAHA KALA QABOOJIYO RAMADAAN MUBAARAK WAA BISHII CIBAADADA NO BLOODSHED.

  7. Asc sxb boondheere
    Anigoo aad u taageersan maslaxada aad ku dhaqaaqday waa wax ku dayasho mudan aad loogu baahanyahay.lakiin somali waxaay tiraahdaa.AADAMEER WADOOW WAR KAAGA KAA SOO HOREEYAY.mid kalene waxaay leedahay.RAGU WAR IS KUMA SEEGANO.boondheeroow halkaan hada ka hor waxaad ku soo qortay eray aad u XUN oo xaqiiqdii aniga oo aan ahaayn ISAAQ aad iiga xanaajiyay.marka MA aqaan waxaad ka waday.kuumana qarinaayo wuxuu ahaa ISAAQU GAALO JECELAA HAADI ISRAAIIL XITAA AAY TIRAAHDO WAA LAADIN ICTIRAAFAYAA WAA AAY GAALOOBI LAHAAYEEN.marka in aad tiraahdo maanta duuliyihii diyaarada jabuuti ka dajiyay ayaa adeerkaay ahaa waa kuu maangaabnimo.anigu waxaan ku leeyahay hadii aad dhex dhexaad is ku mooday dhex dhexaad MA tihid ee dagaalka hore u soo gal ama afkaaga ha laga nadab galo RAMADAAN KARIIM SXB

  8. Asc Boondheere

    Horta shaqaan ku jiroon hada kasoo baxay. Imikuun baan dib halkan usoo jaleecay.

    Hadaba walaalkeen Somali ayaa hadalkii dhameeyay oo wax badan ku dari maayo.

    Se odhaah yar uun baa ku darayaa. Taasoo ah ‘Nin qoyani biyo iskama dhowro’. Kolkaas sxb dhexdhexaad hadaad imika laga bilaabo noqoneyso waan kusoo dhaweynayaa. Turubka saad u baandheyso (qeybiso) ayuunbaa lagase arki doonaase.

    Ramadaan Kariim Boondheere iyo Somaliba. Meeshan waa la’isku yara jafjafaa ee wax kale majiraan.

    Cafis iyo masaamax baad iga tihiin. Idinkuna iska kay cafiya. Ramadaantana Illahay fadligeeda ha ina wada siiyo. Aamiin aamiin aamiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*