DAAWO MUUQAAL DEG DEG:Puntland oo Maxaabiis Iyo Baabur Ku Qabsatay Tukaraq Soo bandhigtay

Xaalada Sool Ayaa Kacsan waxaana Jira dagaalo Dhowr Biilood Uga Furan Kuwaasi oo Ilaa Sadex Aag ka Furnaa Gobolka Sool,dagaalka Ugu Xun Ayaa ka Dhacay  Dhanka Tukaraq  kaasi oo socdey Ilaa Caawa Fiidkii Hore .

Ciidamada dagaalamayey Ayaa  Ugu yaraan  Laba Jeer soo Rogaal Celiyey,Markii Ciidamada Maamulka Soomaliland Laga Qabsaday  Inta Badan Tukaraq  ,Waxay Ciidamada Puntland Magaalada Ka Dageen Dhanka Buundadaa.

Halka Ciidamada Maamulka Soomaliland Iyaguna Dib Ugu Soo noqdeen Dhanka Laascaanood ee Tukaraq dagaal Xoogan Oo inka Badan 12 saac Socdey halkaasi ,waxayna Isku Adeeg sadeen Hubka Noociisa Kala gadisan.

Halkani Riix Video Muuqaalka

Puntland Waxay sheegtay Inay ka Qabsatay Maamulka Labaxay Soomaliland Ilaa 9-Gaadhi  Balse waxaa Warbahainta Aragtay laba Baabur oo Midi Gubtey Iyo miday Ciidamada Puntland Saaran yahiin oo  Baabur  Baaba Ah.

Afhayeenka Dowlada Puntland Mr Qudhaan jecel Ayaa ka Hadlay dagaalka Tukaraq waxaana uu Sheegay Inuu Isaga Iyo wasiiro kale  ku Sugan yahay Goobta Ciidamada Puntland Joogaan.

Dhinaca Puntland, war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay dagaal ku soo qaaday ciidamada Puntland xilli ay horey u heysatay sida war saxaafadeedka lagu yiri dhul ay Puntland ka qabsatay.

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

8 Comments

  1. Puntland waa dagal iyo dawlad geyiyeed si rasmi ah uga jira Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waa dagal ay dhaxaltooyo u leeyihiin ee kana dhexeeya dad dhalasho hoose wadaaga. Iskood iyo ikhtiyaarkood ayay ismaamulkooda ay Puntland ugu magac darteen u yagleesheen xilli uu dalku burburkii baahsanaa ku sugnaa. Dalkooda in ay dib u soo dhiciyaan oo ay qarankii Soomaaliya dib u taagaan ayaa isbahaysigoodaasi hoosta kaga xardhanaa waxii tooda u gaarka ah ka sokeeya. Dadaalkoodii aanay waxba u la hadhin maanta ayay Soomaaliyi ku nagaadday oo ay calankeedii dib u hoos dugsanaysaa. Falsafadda reer Puntland ee Islaamnimada iyo Soomaalinimada ku suntani midhaheedii waa la hayaa maanta.

    Waxaa se yaab iyo amankaag aadmiga ku noqday magac madhan ee falsafad uu ku qotomo iyo hadaf uu leeyahay toona aanay jirin oo haddana inta maal adduun lagu kharash gareeyay nafta loo hurayo oo ummaddii Islaameed lagu faduulinayo. Waa magacan “Somaliland”. Soomaalinimo u ma taagna oo diinteena ma matalo. Shareecada Islaamka iyo sharciyada iyo qawaaniinta adduunku ma aqoonsana. Dhul iyo xuduudo u gaar ah ma leh. Dal mise dagal rasmi u jira midna ma aha. Waa wax aan jirin oo haddana jiritaankaaga duulaan ku ah. Waa wax aanu maanku dhaadayn oo aragga ka dheer. Waa wax waaqiciga ka baxsan oo dhalanteedka na ka fog. Bal maxaa lagu macneeyaa?

  2. Nin og wuxuu yahay oo hadana dafirsan oo ilmada, kaadida iyo xaarkuba bilaa macno uga socdaan maxaa lagu manceeyaa? kkkkk

    Nin gacanta kor usoo taagaya oo barooranaya maalintay qadhaadhaato, maalintay qabowdahay fadhfadhiisa laga fadhiyi kari waayo tollow kaas maxaa lagu mataalaa? KKKKK

    Nin Socodkiisiina ka tegay kii ninka kale ee uu heybsanayayna gaadhi waayay maxaa loogu yeedhaa? kkkkkk

    Nin cad aanu kelidiis laheyn intuu soo xad is yidhi cadkale intaad ugeyso aad dad aad isku heybtihiin (Harti) meeshaas ku wada dhuuqdaan oo dabadeedna intaanu haleelinba laga soo dhufsaday oo hortiisa lagu dubanayo. Diidan inuu yimaado oo uu yidhaa ‘waar bal intan waxbaan anba ku leeyahay oo khalad baan gelaye bal aan dhankayga kagoosto’. Dhana uga dhareerinaya oo ishuna nurguxleynayso, hunguriguna nurjuqleynayo, welina naawilaya inuu cadkaas soo dafo oo deetada tolkiis ula tego. La’se wadne iyo geesinimadii uu kusoo dhacsan kari lahaa wuxuu tebayo ee lagu hor maamulanayo; TOLLOW NINKAAS, ALLA NINKAAS OO KALE MAXAA LAGU MACNEEYAA AMA LOOGU YEEDHAA AMA LAGU MASAALAA AMA LAGU GARTAAYOO, ASTAAN LOOGU YEELAA?

  3. @ Ahmed SNM,

    “Nin og wuxuu yahay oo hadana dafirsan oo ilmada, kaadida iyo xaarkuba bilaa macno uga socdaan maxaa lagu manceeyaa?”

    Jawaab: IIDOOR WAGAASH!

    “Nin gacanta kor usoo taagaya oo barooranaya maalintay qadhaadhaato, maalintay qabowdahay fadhfadhiisa laga fadhiyi kari waayo tollow kaas maxaa lagu mataalaa?”

    Jawaab: IIDOOR WAGAASH!

    “Nin Socodkiisiina ka tegay kii ninka kale ee uu heybsanayayna gaadhi waayay maxaa loogu yeedhaa? ”

    Jawaab: IIDOOR WAGAASH!

    “TOLLOW NINKAAS, ALLA NINKAAS OO KALE MAXAA LAGU MACNEEYAA AMA LOOGU YEEDHAA AMA LAGU MASAALAA AMA LAGU GARTAAYOO, ASTAAN LOOGU YEELAA?”

    Jawaab: DEE WAA UUN IIDOOR WAGAASHLE, MAXAA KALE?

  4. Magacyo Badane

    kkkkkkk Intii hore waad isku dayday inaad ka jawaabto. Laakiinse maxaad uga tagtay ood uga jawaabi weydey tii ugu danbeysay ee aheyd, “Nin cad aanu kelidiis laheyn intuu soo xad is yidhi cadkale intaad ugeyso aad dad aad isku heybtihiin (Harti) meeshaas ku wada dhuuqdaan oo dabadeedna intaanu haleelinba laga soo dhufsaday oo hortiisa lagu dubanayo. Diidan inuu yimaado oo uu yidhaa ‘waar bal intan waxbaan anba ku leeyahay oo khalad baan gelaye bal aan dhankayga kagoosto’. Dhana uga dhareerinaya oo ishuna nurguxleynayso, hunguriguna nurjuqleynayo, welina naawilaya inuu cadkaas soo dafo oo deetada tolkiis ula tego. La’se wadne iyo geesinimadii uu kusoo dhacsan kari lahaa wuxuu tebayo ee lagu hor maamulanayo; TOLLOW NINKAAS, ALLA NINKAAS OO KALE MAXAA LAGU MACNEEYAA AMA LOOGU YEEDHAA AMA LAGU MASAALAA AMA LAGU GARTAAYOO, ASTAAN LOOGU YEELAA?”?

  5. Magacyo Badane walee wuu ka maagay inuu su’aashii toos uga jawaabo. Weligiis wax toos loo yidhaahdo looguma iman jirin. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. Muse waa isku dhex yacay miskin imisan laheen war joog adiga wax maqli wayeey idoor e wilasha ha isla leynina

  7. Ilahy ha naxristo intii dhimaty halkana dagaalka ha jooga qaboojiyo faanka iyo bootada idoor hala ku joojiya waligiin ma argteen puntland oo ragooda booto wada waa maya dumarka bootada iyo faanka lagu yaqaan ee meel farista muse shani botada halka kujooji ragaan puntland waa lagu gubta ee ka carar

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*