DEG DEG; Dagaal xooggan oo ka socda deegaanka Tukaraq & badi dadka oo barakacay..

Wararka maanta ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in deegaankaasi uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.

Warar kala duwan ee ka soo baxaya dagaalkaasi ayaa tilmaamaya in khasaaro uu soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay inkastoo aan si rasmi ah aan loo xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dhinacyadaas dagaalamaya ayaa muddooyinkii dambe deegaankaas isku hor fadhiyay, waxaana ay wadeen dhaq dhaqaaq ciidan iyo abaabul dagaal.

Ciidamadaan kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland ayaa shalay ku dagaalamay deegaankaasi iyadoona maanta deegaanka uu ka soconaya dagaal aad u qaraar.

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

Dhiibo Fikrad Wanaagsan Si Aan u Daabcno

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*