Sunday, January 21st, 2018
.

DAAWO VEDIO; Golaha Wasiirada XFS oo Arrimo Xasaasi ah maanta ka shiray & shaqaalo Mushaarka laga joojinayo

,
Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah,waxaana ka mid ahaa waxyaabaha la isku soo qaaday qorshe iyo tira koob uu Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha horgeeyay golaha wasiirrada.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, oo shir jaraa’id qabtay kaddib kulanka Golaha wasiirrada ayaa u sheegay Warbaahinta in Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha uu maanta golaha wasiirrada horgeeyay liiska shaqaalaha rayidka ah ee dowladda,tiradooda,tayadooda iyo shaqada ay qabtaan.

Waxaa uu sheegay in Shaqaalaha u diiwaangeshan Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ay ka badanyihiin 5,000 oo shaqaale ah,waxaana uu xusay in hadda dowladda ay mushaarka ka joojineyso shaqaale diiwaangeshan oo aan shaqeyn kuwaas oo uu sheegay in ay mushaar ka qaataan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhamaadkii Bishii June ee Sanadkii hore sheegay in laga billaabo 1da July 2017 dowladda ay joojineyso mushaarka la siiyo shaqaalaha ka shaqeeya meelo kale una diiwaangeshan dowladda.

Waxaana uu Dadkaas ku tilmaamay in ay dhibaato ku yihiin hannaanka  sugnaanta Misaaniyadda dowladda sidaas darteedna dabagal lagu sameynayo.

.

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

DAAWO VIDEO:Beesha Ugaadh yahan Oo Ciidamo Ugu badnaa Geeyey Sool Si S/land Ula Dagaalaan Tukaraq.

January 19, 2018
Wararka ka imanaya deegaanka Gadqaboobe ee gobolka sool ayaa sheegaya in ciidamo beeleed beesha ugaadhyahan siyaad ay soo gaadheen deegaanka godqaboobe ...

DAAWO VIDEO:Sir Badan Ee ku Duugan Heesta Bar Bar Waraysi fanaan Omar..

January 18, 2018
Waca Baryahani qabsaday Baraha Bulshada Hees Lagu magacabo bar bar Oo Dhawaan Soo Duubayeen fanaanin caan Ah iyo ...

DAAWO VIDEO:Cali Khaliif Yaa Laascaanood ku Soo Dhaweeyey 18 Sano ka dib Iyo Soodhaweyn la’aan.

January 18, 2018
Cali khaliif Galaydh Ayaa Mudo badan kadib Heshiiskii Uu Kula Heshiiyey Soomaliland waxa Uu tagey magaalada Laascaanood Isaga ...

DAAWO VIDEO:Banaan Baxyadii Cadaado Ee Shirka MD Farmaajo Dhuuramareeb Looga Soo Horjeedey

January 18, 2018
Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud maanta oo Khamiis ah ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo shirweynaha Galmudug iyo ...

DAAWO VIDEO:Sida Cajiiba MD Gaas Dhuusamareeb Loogu Sameeyey”Wiilkayagiiyow Soodhawoow”

January 17, 2018
Madaxweyne Gaas ayaa waxaa Dhuusamareeb si wadajir ah ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo ...