MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Qaabilay Safiir Awood Badan Dawlada Qatar usoo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay warqadaha danjiranimo Safiirka Dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya Xasan Xamsa Asad.Danjire Xamsa ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, waxa uuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Qatar iyo dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu mira dhal u noqdo danaha labada dal.

Xasan Xamsa ayaa ah Safiir aan caadi aheyn awoodiisa dhameystiran tahay oo uu dhowaan soo magacaabay Amiirka Qatar, waxaa uu horay u ahaa Sii Haye Safiir.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

2 Comments

  1. ASC.
    Waa muhiim in la is wada fahmo oo la kala danaysto shido la’aan.Qadar iyo Imaraadka miduna cadaw nooma aha,laakiin hadba waxaa noosokeeya oo jaal nala ah tii ka diir naxda dhibaatada waayahaan ku habsatay soomaaliweeyn ee ay horseeday USC.Labadaas dawladood taageero badan bay u fidiyeen soomaaliya iyo soomaaliba,laakiin waxaa kaalintoodii ka soo bixi waayey maamuladii ay xukumeen nimankii kala ahaa Cabdiqaasim Salaad,Shariif Madoobe iyo Xassan Shiikh.Midkastaba wixii loogu dhiibay soomaaliweeyn sooma dhaafin isaga iyo beelahooda

    Maamulka hadda ee xamar.
    ————————
    Aad iyo aad buu uga fiican yahay saddexdii ka horeeysey.Sababaha uu uga fiican yahay waxaa ka mida Shabaab shaydaamo oo daciifay.Musuq-maasuqii xamar oo aad u yaraaday.Awoodii dawlada oo soo noolaanaysa.Waxaa la tabo barayaa Ciidamo milatari oo isku dhaf ah.Taas oo ay diideen madaxdii hore ee beesha hawiye.Ayadoo ay ujeedadoodu ahayd in ay hawiye kaliya noqdaan ciidamada lagu sheego ciidamada soomaaliya.Una shaqeeyn weyday oo waa kuwa bishiiba mar ama labo jeer islaaya ciidama ku sheega ah hawiye miiran.Maleeshiyo beeleed ma noqon karto ciidamo qaran.Maamulka hadda ka jira xamar waakii EDBIYEY wiilashii Habar gidir ee uu xamar ka dagi waayey.Waatii awoodiisa la tusay Ina Cabdishakuur oo waliba xabsi loogu daray.Cabdiqeybdiidkii faanka badnaa waatan laga yeersiyey maxaa la iga rabaa oo an dhimay?Waa nimankay soomaaliya ka fariisan weyday.Waana kuwaas maanta la moodo in ay xamar MARTI ku yahiin.Lama soo koobi karo maamulka hadda ka jiraa xamar faa’idooyinka uu hadiiba keenay.
    Ugu dambayn haddii madaxweynaha hadda jiraa uu noqon lahaa Hawiye lama heleen waxaas oo wada horumar ah.Sababtoo ah madaxweynayasha hawiye intaan soo aragnay waxayba mashquul ku ahaayeen danahooda iyo kuwa beeshooda kaliya.War soo runtay ma aha?

  2. ilaahay baad run u sheegtay sxb gaal dil gartiisana sii dawladani waa dawlad haybad dawladnimo leh hadaan lais indhatirayn

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*