DEG DEG VIDEO Boqor Buur Modow Oo Xabsiga Laga Sii Daayay DAAWO MUUQAALKA

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in goordhow xabsiga laga sii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow kadib markii uu labadii maalmood ee la soo dhaafay uu xabsi ku jirey.Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay sii deynta Boqor Buur-Madow hase yeeshee waxaa socday labadii maalmood ee la soo dhaafay cadaadis lagu saarayay maamulka Hargeysa inay sii dayso Boqor Buur-Madow oo caan ka ah gobolada Waqooyi ee dalka.

Boqor Buurmadow ayaa lagu eedeeyey inuu wax u dhimay qaranimadda Somaliland waxana xabsiga loo taxaabay xilli uu dib ugaga soo laabtay safar uu ku tegey wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Xariga boqor Buurmadow ayaa dadweyne degan degmada Ceel afweyn u mudaahraadeen, isla markaana xarigiisa ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Maamuladii soo maray Somaliland ayaa hore dhowr jeer u xirey Boqor Buur-Madow oo ah nin aftahan ah oo aan la gaban afkaarta uu aaminsan yahay.Hoos kadaawo muuqaalka iyo faah faahinta

HALKAN KADAAWO MUUQAALKA

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. Maafiyadan SNM in ay yihiin budhcad iyo tuugo Ilaahay ka furtay ee hungurigooda u rooraya waxaa caddeyn inoogu filan waxshinimada ay Isaaqooda xataa ku la kaceen oo aanay birimaggeydada iyo issim toona cafinin. Hargeysa iyo Berbera ayay ilo dhaqaale oo xaaraan ahi uga dillaaceen ee ay kaga taajirayaan.

    Hadda oo ay xaajo ku noqotay meeshii ay dawacadii macasha uga baratay ayay miciyahoodii la soo wada baxeen oo aanay cidna ugu cafinahayn sida ka muuqata ba. Duul aan diin, dhaqan iyo dadnimo toona xeerinaynin dawladnimo u ma jeedaan ee danahooda u gaarka ayay meesha ugu jaalaabuteynayaan. Waqtigoodu se waa gabaabsi oo xaqii baa qabtay. Puntland iyo Kililka Shanaad albaabbadoodu way u ballaqan yihiin masaakiinta maafiyadan nafahooda uga la soo cararaya magan galyo doonka ahi.

    WELCOME TO YOUR OTHER HOMES BROTHERS AND SISTERS!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*