DAAWO VIDEO:Faarax Macalin oo tagey Muqdisho Imaraadka Warkaga Nixiyey Ku Dhawaqay ,Inuu Muqdisho Joogayo.

Siyaasiga Faarax Macalin Ayaa Tagey Muqdisho iyadoona Siweyn loogu Soodhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Aadan cade ee magaalada Muqdiso,Faarax Macalin Ayaa waxa Siweyn Muqdisho Ugu Soodhaweeyey Masuulin  Dowlada Soomaaliya .

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdulalahi Salaad ‘Oomaar’ iyo mas’uuliyiin kale Ayaa Garoonka Diyaaradaha Uga Hortagey,waxana kadib loo Gudbiyey Madaxtooyadda Vila Soomaaliya.

Faarax macalin Ayaa Mudo Ahaa Afhayeenka Barlamaanka Kenya Isagoo Dhowr Jeerna Gudoomiyaha Barlamaanka Isku Sharaxay.

Dhanka Kale Ujeedada Ugu Weyn ee uu Faarax macalin U tagey Muqdisho Ayaa la Sheegay Inuu dowlada  Soomaaliya Siyaasada Arimaha debada Kala talinayo,isagona in badan Canaanta Faro galinta Soomaaliya Inay ka Dayso Beesha Caalamku.

Imaraadka Ayuu Ku Dhaliilaa Inta Badan Inay faraha Kala Baxaan Siyaasada Soomaaliya ,waana Safarkii labaad Ilaa iyo markii La Doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulahi farmaajo uu Ku tago Magaalada Muqdisho.

Halkani Riix Video Muuqaalka

[wp_ad_camp_1]

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

1 Comment

  1. hayaay waa rufyaan weyn oo dilaal ah walaahay hunguri buu u tegey tan kale waa kenyan maaha soomaali iska ilaaliya waa basaase

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*