Maqaal; Dowladnimada Soomaaliya Oo Hana Qaadey, By Asadnaa Suudi.

Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya Si kasta oo loo Cadaadiyo Lama Burburinkaro. si kasta oo Toobiyaheega looga leexiyo waxay Kusoo Dhacaysaa xariiq toosan Waxaana furmay waayiro badan oo isku Murugsanaa mudo badan.

Hadalka Anwar Qarqaash Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada Ee Imaaraadka Waxa Uu Ka Turjumayaa Tooshka Lagu Qabtay Siyaasadda Imaaraadka Ee Qalafsan, Waxa Kale Oo Soo Baxday Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo Iyo Xasan Cali Khayre Ee Ku Wajahan Imaaraadku In Ay Waxbadan Oo Qarsoon Daboolka Ka Qaaday, Kubaddu Hadda Waxay Hortaalaa Madaxdweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cumar Abdirashiid oo uu Sheegay Anwar Qarqaash In Ay La Ogaayeen Heshiisyada Barbara. Arintaas oo madaxdii hore kadhigtey Eedeysanyaal.

Waa Maxey Qaladka ay xukumada Hassan Sheikh iyo Cumar Abdirashiid galeyn?

Barnaamijka horumarinta Mashaariicda yaan la Siyaasadeyn wuxuu ahaa Cuqul siyaasadeed iyo Madax salaax dhaqaale Oo Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Cumar Abdirashiid ku naas Nuujin Jirey maamulka Soomaliland si khaas ah iyagoo danahooda gaarka ah ka hormaiyey danta Dalka iyo DadkaTaasoo Dhaawac iyo gaf Ku ahayd haykalka iyo Hanaqaadka Dowladnimada Soomaaliya waana Sababta markii dambe uu Maamulka Somaliland iyo Hogaamiyihiisii Siilaanyo ula soo baxey Qar iska Xoornimo iyo gabi dhacleyn siyaasadeed taasoo Fududeeysey Dowlado kale iney Maalin Cad Ku Hadaaqaan wax Aysan Sharafta iyo Qaranimada Soomaliya gayin.

Mar hadii Barnaamijka Horumarinta Mashaariicda Meesha Kabaxey lana jarey xarigii Guntanaa ay ahaa (Muqaawamo Siyaasadeysan) una Dhaxeeysey xukumadii Hassan Sheikh iyo Siilaanyo. waa guul Ay dhinaca siyaaaada kagaadheen Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Khayre, Imaaraadkana Ku Khasabatay In uu Cadeeyo Mawqifkiisa.

Tooshkan Lagu Ifiyey Imaaraadku Waxay Soo Afjaraysaa Arrimo Badan, Sababtoo Ah Talaabo Kasta Oo Uu Qaado Oo gefku Ah Qarannimada Soomaaliya Ishaa Lagu Hayaa, Hanna Noqdo Baasaboor Aan Ahayn Baasaboorka Soomaaliya oo Ay Dalkooda U Ogolaadaan Ama Dhaqdhaqaaq Dublumaasiyadeed, Imaaraadka Xataa Waxay Badeleen weedhihii Ay Saxaafadooda Ku Qori Jireen Ee Dhaawacayey Qarannimada Soomaaliya, Taasna Waxaa Keentay Siyaasadda Cad cad oo tarmeysa maalinba Maalinta kadambeeysa Ee Madaxweyne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Khayre Ee Ku Wajahan Imaaraadka iyo qayrkood.

Ugu Dambeyntii waxaan Xasuus reeba idinka Dhigeyaa erayadii abwaan samatar baxnaan “xookii shinada fuudayey oo xoombax Odhanaayey aan awlal iyo xabag barsha cidi la xaaleynin ana waxaan laxara kaadayaa waa xogtaan helayey xooliga durdurada kabiqin xeeb in aan tago”. hadaba yeesan idinka hoos bixin in wadamada Aduunka si kasta oo Laysu neceb yahay ama Dano gaar ah la kala Leeyahey hadana Waxaa Taal shuruuc iyo Diblomaasiyad aan la Dhaafi karin.

 

Asadnaa Suudi,

asadnaa@gmail.com

Mediator at Madasha60, Columnist & Political Activist

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

11 Comments

  1. Maayarka boocame oo dhir u qaybiyay,dadka reer bocame,iyagona aad usoo dhaweeyay taagerada ay xukumada sl la garab tagantahay had iyo jeer.

  2. Wasaarada ciyaaha sl oo toban koxod oo gobalka sool ah uga furtay,garoonka wayn ee casriga ah ee cabdi bile cabdi
    Kaasi ooy dhawaan xukumadu dhigtay rooga cagaarka ah,

    sOmalilander ma ila socotaa

  3. The two leaders of the Federal Government are holding out just fine in the face of a hostile campaign aimed at undermining their administration and eroding their authority. It is plainly clear that only the devilish ‘enemies within’ wish to witness their ultimate downfall and the re-capitulation of our newly born nationhood.

    Nonetheless, I strongly believe that the leaders urgently require to surround themeselves with a team of powerful and effective Public Relations officers who are proficiently articulate in English, Somali and Arabic that should act not only act as their buffer but equally manage the flow of information and government communiques.

    • A robust information and media campaign as well as a positive propaganda machine at the hands of a powerful PR team is the only lifeline this otherwise sincere and honest government needs in order to crush all its vowed enemies under its feet and also bring the ordinary patriotic citizens on board in equal measure.

  4. Dawlada aan iskeed isku maamuli karin oo sheegtay inay pacagtii imaraadka iska celinayso,kkkkkkkkkkkkkkk

    SOO HOOBO

  5. ASC my blood prince of Makhir state of Somalia.

    Bacda slam wlaalkiis dadbaa qarracasan beryahaan uyara khafiifiya waa dad somaliyeed oo confused noqday inkastoo eey ilma xabusheed kazoo jeedaan

  6. ** Princess Gabar Harti of the Bari & Maakhir Royalties **

    WCS our highly respectable princess and thank you for your sound advice and words of wisdom. It only goes to prove that even as the sons and daughters of these two unique royalties defend their nation and Somalism bravely and robustly, they hold no grudge whatsoever against their badly misguided brethren and in fact care about them deep down.

    Advice taken on board, your Royal Highness Gabar Harti

  7. War dagdaga
    Imaaradka oo hubkii uu muqdisho kasoo raray hada kadajiyay berbera+safiirkisii oo bari kabaxaya muqdisho,wiigan waxbaa kala cadanaya
    Laba casho ayaad qoslayseene iminkaad madluunkii ku noqon doontaan

    SOO HOR CAASHAQA

  8. cawad
    dr
    I think we should add wardiga “passportka” into code99 as well.

    passport, passport, passport…99 times!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*