DEG DEG ciidamo Boobay Qalabkii Imaraad Muqdisho

Qaar ka mid Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Xarunta Tababarka Ciidamada ee Imaaraadka Carabta ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay Boobeen agab yaalay Xarunta oo ay maanta ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay qaateen Agab Ciidan qalab lagu tababarto iyo Gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Imaaraadka ee ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dhacyo uu dhaxmaray Ciidamadii xarunta ku sugnaa kuwaas oo ku dagaalamay agabkii ay qaateen.

Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo agabyo kale kadib markii uu xumaaday xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya.

6 Comments

  1. Toloow Cubeyd iyo Somali sow bililiqadan iyo boobkan sow ku ma lug iyo gacan leh? Yaa ogaada in aanay ka madhnayn illayn waa meheraddoodii ee!!!

    k
    kk
    kkk
    kkkk
    kkkkk

  2. Kkkkk cismanow ayaantan waxaan u malaaynayaa cidii habar gidir ahaayd sonkor ayaa kaaga dhex qubatay.kkkk MA aqaan shalayna waxaa lagaa hor taagnaa C C SHAKUUR kkkkk marka MA aqaan wax reerkan laguugu sheegay.bal maad aragtid doraato ilaa shalay reerkaagu waxaay ka samaaynayeen boosaaso xitaa carabtii kastuuntii ayay ka furteen jkkkkk.cismaanoow xaqa alaha ku tusiyo MA aqaan wax kaloon ku iraahdo.kkkk

  3. Eesh Calaa Dawlad iyo Ciidan.

    Dawladii Farmaajo ma kari weyday inay Xeryahay Imaaraadka ka dareera ku tiri ay agabkay kaga tegeen xitaa meeleyso. Dawladaas aan xitaa Ciidamadeeda xukumi karin ayaa u hanqal isku tilmaamaysa Dawlad jirta.

    Waxbase maahan oo Mr. Moogeba aan halkaas iska dhigo maxaa ku dhacay Kheyrlaawihii inuu xufxuf iyo dafdaf badan iskaga kaaya dhigayay. Miyuu qaadi waayay talaabo hordhaca oo uu ku meeleynayo hantidaas looga tegay Dawladiisa. Mise waxa uu daaraa uun cidii uu in ay xukunka ka tuurayso ku tuhmo? kkkkkkk

    Dawladii dhameyd ee loo wada hanqal taagayay waataas labadii rajada laga filayay midna Khuurinayo oo kolba meel barkimadiisa dhiganaya, kii kalen uu kursigiisa uun uu gaadh ka hayo. kkkkkk

  4. Gaah hayayaashii dalka waxa ay noqdeen mid meeshii uu jiifsan lahaa gaadh ka haya aka Armaajo iyo Mid Kursigii uu ku fadhiisan lahaa gaadh ka haya, aka Kheyrlaawe.

    Eesh Calaa Madax.

  5. Ciidamdu ma doqmaa. Kolkii ay Dawladoodii dhexda musharadoodii u gashay dee iyaguna waxay qaadan karaan ha qaateen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*