Madaxweynaha Soomaaliya oo carabta Fariin u Diray

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kana mid ah Madaxdii ka qeyb gashay shirkii 29-aad ee Jaamacadda Carabta ayaa Khudbad uu jeediyay waxa uu kaga hadlay Arrimaha Soomaaliya, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay dhawaan ka soo kaban doonto dhibkii gaaray mudadii rubac qarniga aheyd.

“Xaaladda Siyaasadeed, tan amni iyo dhaqaalahaba Soomaaliya waa ay soo kabaneysaa waxaana hay’adaha Dowladda ay gaareen guulo wanaagsan mudadii koobneed oo aan xafiiska joognay, waxaana hada rajo weyn ka qabnaa in sanadka dambe ay sidaan kasii wanaagsanaato Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo Waxa uu weydiistay  Madaxda Jaamacadda Carabta in la fuliyo Ballan-qaadyadii Shirarkii hore ay ugu sameeyeen Soomaaliya si loo xoojiyo guulaha Dowlada Soomaaliya ay ka gaartay amaanka iyo siyaasadda, sidoo kalana la dhaqan geliyo go’aamada kasoo baxa Shirarkooda.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday in Baahida ka dhex jirta Midnimada Dalalka ku midoobay ururka Jaamacadda Carabta loo baahan yahay, meeshana laga saaro Xurgufta ka dhex jirta, waxa uuna tusaalooyin usoo qaatay dhibaatooyinka ka taagan qaar ka mid ah wadamada Carabta sida Suuriya Yeman iyo meelo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*