Muuqaal Yaab leh + Warbixin Maxaa Kala Qabsaday Wax Garadka Magaaladda Laascaanood Iyo Masuuliyiin Somaliland Ka Socday? VIDEO

Shir Maalmihii Ugu Dambeeyay Usocday Odayaasha Cuqaasha Iyo Wax Garadka Magaaladda Laascaanood Lagagana Tashanayay Aayaha Amni Ee Gobolka Iyo Sidii Loo Adkaysan Lahaa Amni Daradda Mudoyin Soo Food Saartay Gobolka.

Xili Saaka Shirkaasi Usocday Odayaashaasi ayaa waxa kasoo qayb galay shirkaasi goobtii uu kasocday oo hotel mustaqbal Magaaladda Laascaanood ahayd Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore Iyo Masuliyiin La Socday.

Odayaasha Iyo Waxgaradkii Shirayay ayaa Uga Xog waramay Shirkani Iyo Ajan Dihiisa Wasiirka Iyo Masuuliyiinta La Socotay Waxaana Ay Sheegeen In Shirkoodu Yahay Mid ay kaga tashanyaan aayaha deegaan kooda waxayna sheegeen Odayaashy In Maamulka Gobolku Iyo Kan Degmaduba ay Ka Gaabiyeen iHawlihii Loo Igmaday Iyo Masuuliyadii Amni Ee Gobolka Ka Saarnayd sla markaana Ku Fashilmeen Inay Ilaaliyaan Amaanka Deegaanka.

Boqor Khadar Cali Jaamac Oo Kamida Masuuliyiinta U Dhaq Dhaqaaqa Sidii Deegaan Kiisu Uheli Lahaa Horumar Iyo Amni Ayaa Goob Taasi Ka Hadlay wxaaana uu dhaliil ujeediyay wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Isagoona Ku Duray Arima Badan oo ay kamid yihiin Amniga Gobolka.

C/qani Aw Daahir Xaaji Xasan Oo Kamid ah ganacsatada Magaaladda Sidoo Kalana ah masuuliyiinta Inta Badan Ka Shaqeeya Horumarka Magaaladda Ayaa Isna Sheegay In Somaliland ay ku fashilan tay Amnigii Gobolka Ayna Ka Tashanyaan Sidii Ay Xal Ugu Samayn Lahaayeen Iyagu Ka Masuliyiin ahaan Amaanka Magaaladda Laascaanood.xigasho wariye farxan maxamed

HALKAN KADAAWO MUUQAALKA YAABKA LEH

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*