Siyaasiga cabdiraxman cabdishakuur oo Dowlada Farmaajo la Heshiiyey

Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraadii dhanka Safarka ka qaaday Siyaasiga  C/raxmaan C/shakuur Warsame ,kasoo horay loogu amray in uusan ka bixi karin Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa 17-kii bishii December ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay weerareen gurigiisa, waxaana halkaasi lagu dilay Ilaaladiisii, taasoo muran badan ka dhex dhalisay dowladda Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa hadda ku sugan Magaalada Nairobi caasimadda dalka Kenya, waxaana uu ka Ambabaxay Muqdisho shalay.

Xeer Ilaalinta ay ku soo oogtay dambi qiyaano qaran iyo inqilaab, waxaana lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho muddo saacaddo ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horay u sii deysay, kaddib markii dambi ku weysay, kaddib markii Xeer ilaalinta ay keeni weyday caddeymo ku aadan dambiyadii ay ku soo oogtay, waxaana markii dambe Xeer Ilaalinta ka qaadatay racfaan.

Ilo ku dhow C/raxmaan C/shakuur ayaa  inoo xaqiijiyay in xayiraada dhanka safarka ay ka qaaday Maxkamadda, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka noqotay dacwadii ay horay ugu soo oogtay.

C/raxmaan C/shakuur oo horay u soo noqday Wasiir iyo Musharax Madaxweyne ayaa ah nin cod kar ah, si aad ah u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu bartiisa Facebook iyo Twitter-ka u adeegsadaa gudbinta afkaartiisa siyaasadeed, waxaa tiro dhowr jeer ay hey’adaha ammaanka ka hakiyeen kulamo siyaasadeed uu qaban lahaa

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Sabriye iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in kaalin ka qaatay sidii loo soo Afjari lahaa xiisadii ka dhalatay Weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

9 Comments

  1. “AMAR DAWLO MUDEEC, NINKA DIIDA DABBAAL” baan maqli jiray kollay. Ninkani dawladda la ma uusan heshiinin ee waa uu u hoggaansamay ka dib markii miyirka loo toosiyay ee waxa uu yahay la dareensiiyay.

    TOE THE LINE OR YOU ARE TOAST, SIMPLE AS.

    • Waraabo marabiyo ma noqdo, waxaa kaloo jirta ninkii abeeso hoosta gashta asagaaka shalayndoono, Cabdiraxmaan Cabdishakuur qudbooyinkiiisii waa duubanyihiin siyaasina ma aha qofkuu siyaasi u noqdo asagaa cirka roobka ku og. Hadaladii qabiilqabiilka ahaa waa duubanyihiin. Sidaas darteed Oday Basbaas waa runtiis Waa u hogaansamay laakiin nin qaad qaad bartay gavantiisa ma celinkaro waa nin uu ka uraayo Qabiilku

  2. Cismaan

    Nin weyn oo aqoon isku huba walee inaanad sidiisii u hadlin. Toe the line or you are toast is Afweyne’s mantra.

    Aad iyo aad ayaan uga xumahay in dhaqan aad mooryaanimo ku tilmaantaan nin ay dawlad dhami kula kacday aad adna u riyaaqdo. Taasi waxa ay aad iyo aad u cabireysaa halka aad xaqiiqadii taagantahay. Yacni munaafaqnimo waxa aad ka cabataa cadaalad daro. Kii cadaalad daradaas lagu sameeyay ee weliba in qudha laga jaro loogu talo galayna waad ku raacsantahay.

    Walaahi fashil ayaad tahay. Si kasta ood harag idaad u gashato yeymadaada waxa laga gartaa miciyaha aad banaanka usoo bixiso markaad aragto dhiiga cadawgaaga oo la daadiyay.

  3. @ Mudane Kamaal Adan,

    Afkaaga caano lagu qabay ina adeer! Waxgaradka adiga oo kale ee akhyaarta ah ayaynu mar kasta u baahannahay in ay waxmagaratada runta u sheegaan oo ay maanka qaldan ka saxaan.

    Allaah Ya Cizzak!

  4. Caasho basbaas
    Kolay munaafaqadaada maalinba inbaa soobaxaysa kolay laangaab cuqdadeysan ayaad tahay kolay dowlad somaliyeed taageeri maysid farmaajo ayaad qabyaalad kutaageeraysaa isna waa marti wax uu kuuqaban karano majirto hadaad aargudasho kasugaysay ninkaan aad kadaba mashxaradayso c/shakuur in dulmi loogaystay wixii diin leh waa ogyihiin laakin nacas adoo kala bilaa caqli ah cuqdadeysan indhihiisu wax kalay arkaan calaa kuli xaal farmaajo waa inan layaal cidii kasugaysa inuu u aargudo

  5. Cubeyd
    Waar dadkani damiir malaha. Xitaa qalbi dhagax oo ah daaroodkay KU dhintaan ayaa markii la dhiibay intay wadaninimo iyo dareen Soomaaliyeed geli lahaa ayay Farmaajo oo Mooge. Ah daba fadhiisteen.

    Qudhaanjo goof hawiye ama geed Iidoor dhulkooda ku yaala KU nool haday xagtini. Soo gaadho farxad bay kala dilaacaan. Neceyb kuwan halkaas ayuu ka gaadhay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*