XOG XASAASI AH:Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakim Camey oo Ka Danbeeyey Saraakishi Imaraadka ee Lagu Xayiray Boosaaso,Gaas oo Raali ka Ahayn.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Ayaa Bixiyey Amarkii Lagu Baadhayey Saraakiishii Imaraadka ee Ka Baxay Puntland ,Kuwaasi oo Tabbar Siinayey  Ciidamada Puntland in Mud Ahayd,Balse waxay ku War Galiyeen Madaxda Puntland Inay baxayaan.

Amarkani uu Bixi Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Ayaa Noqday Midaan Laga Filayn  Puntland madama Hore Puntland u Sheegtay inuusan samaynayn Amarkii Muqdisho kasoo baxay  Horaantii Bishii lasoo Dhaafay oo Barlamaanka Meel Mariyey.

Ilo Lagu Kalsoon yahay  Ayaa u Sheegay Marqaan Media Inuu Madaxweynaha  Puntland Dr Cabdiwali Gaas usheegay Inaan Baadhitaan Lagu samayn saraakiishani Balse Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Baryahani Amaro Siyaasadaysan Soo saarayey Ayaa Bixiyey Amar Baadhitaanka.

Saraakiisha Ayaa Markii Hore Diiday In la Baadho Qalabka Ay Diyaarada Saaranayaan taasi oo Sababtay Inay mudo ku Xayir Naayeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Intaasi Kadib Ayaa Saraakiisha Waxay Ogolaadeen In qalabkooda Baadhitaan Lagu sameeyo ,Wax yaabaha laga Baadhay Waxaa Ka Mid Ahaa”in Caamirooyinka Iyo ducumintry Ay Qateen uu yahay Midan wax u Dhimanayn madaxbanaanida Soomaaliya “

waxa laga Reebay Saraakiisha Baabur Qaar ka Mid Ah Hub Qaar,Sikastaba  Khilaaf Ana Warbaahinta Loosoo bandhigin Ayaa ka Taagnaa Hogaanka ugu sareeya Puntland waxaana Madaxweynaha Puntland Cabdiwali cali gaas iska Ilaaliyaa inuu Soo Shaac Baxo Khilaafka Isaga iyo Kuxigeenkiisa.

Muxuu ka Dhignaa Baadhitaan Saraakiisha?

Baadhitaanka Saraakiisha Ayaa Aad looga Hadal hayey Baraha Bulshada inuu yahay Go’aankii ugu Macquul sanaa oo Puntland qaadato iyadoo eegaysa Dowladnimada Soomaaliya Iyo Sida Imaraadka Soomaaliya  Khilaafka Uga Faa’idaysanayso.

Dad Qaar Ayaa ku Qorayey Baraha Bulshada “Go’aanka Puntland Waa kii Ugu Horeeyey oo u muujiso Dowlada Faderalka Inay ka Go’an tahay Amarkeeda Dalka ka Wada Socdo.

@Marqaanmedia

15 Comments

  1. Qaar nolosha ka dhacsan baa meel waliba af bilaash ah ku kala haya oo bogaggii ay akhyaarta afkaarta saliimka lihi aragtiyadooda caafimaadka qaba nagu la wadaagi lahaayeen cantarabaqash iyo hadaaq caruureed ku camiray. Kuwan sillooni maba dhaahsana in uu caalamku xeerar, sharciyo, qawaaniin, baratakoollo iyo shuruudo dawli ah ee adag oo dagsan isku dhaqo oo uu kuna shaqeeyo. Marqaanka iyo waallidoodu khayaalka ay ka tuseen uun bay la nacnacleeyaan illayn waa duul waaqiciga dhabta ah ka baxsan ee.

    Dad yahoow yaan Islaamnimada iyo Carabta la isku qaldin waayo labadu waa kaaf iyo kala dheeri. Sidaas oo ay tahay Carab oo dhammi ma wada xuma oo isku mabda’ xataa ma aha ee yaan iyana burush keli ah lagu wada dhammuuqin. Sida aan bogag hore ku soo tibaaxay dalkeenani qiimihiisii baa inta uu cirkaa isku shareeray ayay waddamada hodonka ahi gebi ahaantoodu siyaabo kasta oo ay qaniimadiisa uga fara qabsan lahaayeen tartan xooggan ugu jiraan.

    Waa xilliyadan oo kale marka ay bayaan u kala caddaadaan madaxda daacadda ah ee dalkeena danihiisa u taagan iyo kuwa khaa’iniinta ah ee dano gaar ah ku wata. Inta aynu nacabka la kala safan lahayn waajibkeenu waxaa weeyaan in aynu Maandeeq Soomaaliya xakameysanno oo aanay inaga noqonin hashii bacaadka lagu lisay.

    • @ Siciid,

      Walaal waxaan hadda bog kan ka horreeyay kaga dul dhacay salaan qiimo badan oo aad aniga iyo Abwaan Khaliif Maxamed (Faraxaaji) noogu dhaaftay. Si kal iyo laab ah ayaan kaaga guddoomay aniga oo adigana salaan gobeed hawada kuu soo marinaya.

      Bariidadaada sharafta leh aad ayaad ugu mahadsan tahay Mudane Siciid waayo waxaynu nahay dad aan weli aqoon isu lahayn.

      Mahadsanid Siciid.

  2. WAA WAXAANU SHEGAYNAY,ARINKAN INA GAAS MUUU OGALAYN,KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
    BALSE WAY LA GODAY,XATAA WAXA IGU MAQAALO AH,LACAGTII ARMAAJO WUU CELINAYAA,KKKKKKKKKKKKKKKK
    WAXAANAD HURAYN HORAA LOO YEELAA

    MARKUU CUDUD UU KU HAYSTIYO CIIDAN WAYAY.
    LAII SHEG CAAWABA ARMAAJO INUU CELIYAY LACAGTIYE.

  3. somaliland maxaa la dhahaa ma nooc qaadka kamidaa anigu walaahay ma fahmin magacan yar ee waalan ee meelkasta lagu soo qoro iyadoo aynu oganahay inaan wax xikmadi ka danbayn adaa daali

  4. Puntland sowtan labo madaxweyne yeelatay maaha. Walee Gaas Doorkan waa loo yaabaa. Ninkii Camay wuu soo dhigtay doorkan. Qalinkii bilaa khadka ahaa ee lagu ogaan jiray Madaxweynayaasha inta uu iska soo badalay ayuu kuwii Gaas mid ka mid ah isaguna imika wax ku saxeexayaa isaga oo uu Gaas Joogo.

    Gaas bilaash buu degdeg ugu soo noqday waayo wuxuu uu dabar is lahaaba waa taas u soortoobi geri kari weyday. Waxay aheyd inuu Nairobi Maalomo sidiisii kusii yara dhuunto. Ina fadeexadii uu kasii cararayay ay dhaafi doonto.

    • @ Ahmed,

      Salaanta waan kaa qaaday haddii aad “akhyaarta” igu tiriso, haddii kale ha iska khasaarto.

      Ahmedoow, barabagaankaaga muluqsan in aad yara arradisaa baa kugu fiicnaan lahayd. Xaajadu ma aha sida aad ugu maldahisay in calaashaan ay Puntland yeelatay “labo madaxweyne” ee barakatoolka ayaa sidan qeexaya.

      In kasta oo uu madaxweynuhu maqan yahay siyaabo badan ayay ku-xigeenkiisa isku la xidhiidhaan oo sidaasi aawadeed ayaanay u dhici karin in uu ku-xigeenku iskii ugu tallaabo qaado arrin aanu madaxweynuhu la ogayn oo aanay isku waafaqin.

      Meeshu ma aha “reer-waalan” ee nidaam dawladeed oo sugan baa ka jira.

  5. Cismaan

    Salaan Jamaca ah inta aad kala dhuuxayso waxa ka wanaagsanaan laheyd inaad iga qaadid salaanta ama aad ka gaabsato ood jawaab qayaxa uun iisoo dhigto meeshan. Anigu maan odhan Akhyaarta inta aanan Cismaan ka aheyn waan salaamay ee Jamac baan isku raaciyay. Akhyaarta bartan ku bartootanta adiga ayaaba ugu weyn ama ugu tugtug badan ayaaaban is lahaa anigu. kkkkkkk Ma’ila socotaa Cismaanow?

  6. Cismaanow tan kaleed dooneyso inaad ii hoos geliso ood ‘Reer-Waalan’ kusoo maldahday waa adiga iyo fikirkaaga.

    Anigu sidaada oo kale ‘Reerka Puntland’ ka kaabeeya eenay cidina Madaxtooyada ka saari karin xitaa umaan quudhin inaan ku tilmaamo ‘Reer-Waalan’ sidaada oo kale.

    Nidaamkoodu’se inkasa oo uu ka wanaagsan yahay kuwa kale ee imika uun kacay weli wuu dhabaqsan yahay. Madaxweyne Kuxigeenka Puntlandna gefafka iyo xadgudubyada uu Madaxweynihiisa Gaas ka galay wey badan yihiin oo kuwo aayar oo dhalatay darinta hoosteeda lagu qarin karo maaha.

    Wax yaabada Camey sameeyay Gaas oo maqan waxa ka mid ahaa hadaan labo aanan fogeyn oo weli raadkoodii sii qoyan yihiin kaaga taabtaabto waxa ka mid ahaa shaqo fadhiisin. Gaas kolkuu soo noqdayna shaqadiibuu ku celiyay. Haday isla ogyihiin eris buu Gaas qofkaas ugu dari lahaa.

    Waxa kaloo ku xigtay shaqo ka erin. Kolkuu Gaas soo noqdayna waxa shaqadiisii ayuu ninkii iska watey. Haday isku ogyihiin waxaasna Gaas shaqada cidaas kumuu cesheen.

    Imikana Gaas oo Garoowe la jooga oo yidhi yaanan la baadhin sarkaaladan dalkoodii dib ugu noqonaya ayuu ina Camay amar kaas ka duwan soo saaray. kkkkkkkkkk

    Kolkas Cismaanow ha’iskugu kaaya deyin inaad sacabada ku qariso wax cad oo banaanka usoo shaacbaxay.

    Don’t try to put the cat back in the bag.

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    • @ Ahmed,

      “Ugu tugtug badan” – priceless! Mar baan is idhi malaha aaladda uu wax ku qorayay ayaa ereyga qasadkiisu ahaa ka saxday oo waxuu ka waday “ugu tuugo tuugeysi badan” – just kidding! Waanad u fiirsanin ee in aan camuudda kugu yar camcamiyo ayay Ahmedoow iigu baxdaa (kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk).

      Midda ku saabsan “gacan dhaafka” aad ina Camey ku eedeysay ma aha sida aad moodday ee waxay ka mid tahay shaxda maskaxeed ee ay xariifiinta siyaasadeed inta badan dadka ku ciyaaraan, in kasta oo run yari ku jirto ta ku saabsan sarkaalkii ciidamada ee la isku qabsaday. Laakiin sida aan “body language”-ka Cabdi Weli Gaas ka arkay waxaan ku qancay in xanta ah “kiniini” ayuu isticmaalaa ay wax ka jiraan (xanta tuhunka ah aad ayaan isaga ilaaliyaa) oo sidaasi aawadeed uu qabo waxa ay reer koonfurku ku tilmaameen “maskax falluuq”, taas oo ku kallifta in uu yara macangageeyo mararka qaar.

      Shaxda garo way kaa shisheysaa ee Ahmedoow!

  7. Cismaan

    Hadaad imikana tugtugtiina kala dhuuxday, hayee, waxa aa tahay ka meeshan ugu wax ‘xarxariiq’ badan. kkkkkkkkkkkkkkk

    In yar oo run ah hadaad in yar oon idhi ka qirtay maanta waabad soo dhawaatay nin yahow. kkkkkkkkkk

  8. Doqonka caloosha buuran awalba waa waalnaa hadana waa dhumay Itobiyadii uu u cararijiray sida aabihiis ninkale ayaa yimi Xamarna uma yaal weji marka waa inuu daadka socodo uusan ka hor imaanin hadii kale dharkuu tuuranayaa

  9. LA MAHDIN MAYO DAGAAL LALA GALO IMAARAATKA, SACUUDIGA, BAXREYN, MASAR, ETC. DANTEENNA MAAHA XIISAD ABUURID IYO ISKU TAAGID DALAL NAGA
    AWOOD BADAN WAQTIGAN XAADIRKA AH. SIDOO KALE, DALKA QATARNA YAAN LA XUMEYN.

    DHEXDHEXAADNIMO AYAAN KU DHAWAAQNAY. WAA IN AAN DHEXDHEXAAD AHAANNAA.

    CIDNA YAAN SANKA LAGA FAREYN.

    WAXAA KHASAARO KUUGU FILAN IMAARAATKA OO KUUGU HUBEYSA, DHAQAALANA SIISA DAWLAD GOBOLEEDYADA.

    SIYAASAD XUMIDA DAWLADDA FARMAAJO WAXAY SOO DEDEJISAY IN SOMAALILAND AY XAGGA IMAARAADKA KA HESHO AQOONSI CAALAMI IYO DHIIRRI-GELIN.

    HADDII AY IMAARAATKU AQOONSATO SOMALILAND, WAXAA MARKIIBA KU DAYAN DOONA ITOOBIYA, KENYA, SACUUDIGA, MASAR, BAXREYN, IYO WADDAMO KALE.

    MASUULIYADDANA WAXAA QAADI DOONTA DAWLADDA FARMAAJO.

    XISAABNA WAA DAMBEYSAA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*