DEG DEG:Dowlada Imaraadka oo Dowlada Soomaaliya u Hanjabtey,Jawaab ka Bixisay Lacagti lagu Qabtay Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war Culus kasoo saartay tallaabaadii ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag u socotay ciidamada Soomaaliya iyo xayiraadda diyaarad siday ciidamo ka tirsan Imaaraadka.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka ayaa lagu sheegay inay si weyn u cambaareyneyso falkii saraakiisha amniga Soomalaiya oo Axadii 8-da bishan April ku xayiren diyaarad rayid ah oo ay la socdeen 47 qof iyo la wareegidda lacag loogu talogalay taageerada ciidamada Soomaaliya iyo tababarrayaashooda.

Imaaraadka ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay hub ku handadeen ciidamada Imaaraadka ee diyaaradda la socday; waxayna intaas ku dartay in arrintaas ay keentay dib u dhac ku yimid duulimaadkii diyaraadda muddo saacado ah.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in lacagtaasi ay ahayd mid ku timid iskaashi milateri oo labada dal kala saxiixdeen Novembar sanadkii 2014, isla markaana lagu bixiyo mushaarka ciidamada.

Wakaalada wararka Imaaraadka ayaa faafisay warkan iyadoo soo xigatay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka oo sheegtay in tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ay tahay mid sharci darro ah oo kasoo horjeeda xeerarka iyo habraaca diblomaasiyadeed ee dowladuhu ku macaamilaan, iyadoo jebineysa heshiiska labada dal ka dhaxeeya iyo xeerarka caalamiga ah.

Imaaraadka ayaa xustay falka in falkaas sharci darrada ah lagula kacay iyadoo Imaaraadku uu taageero dhaqaale, siyaasadeed, aadanimimo iyo mid milateri ay siiso dowladda Soomaaliya.

UAE condemns Somali authorities’ seizure of private jet, funds

11 Comments

  1. In our 21st Century world where phyical money hardly exists, I find it incredible that the UAE would simply stack bags full of US$10 million, supposedly intended for the Somali Government, in the buggage section of a passenger plane bound for Mogadishu.

    Surely, there must be many other ways for a government to wire money to another government in this day and age, no? One of which is to carry the money on a specially chartered private executive jet directly to Mogadishu, or?

    Something looks and smells fishy here, and the sooner the UAE own ups and comes clean on this matter the better for their already tarnished repuation. This beduine attitude will get them nowhere.

  2. * BAL INDHA ADAYGGA QAYAXAN EE IMAARAADKA DAYA *

    <> Halka ay Dawladda Federaalku qirtay in lacagtaas iyo dadka shandadaha watay ba ay Ciidamada Amnigu judhii ba ku dhageen ka dib markii ay raggaasu diideen in shandadahaasi la mariyo qalabka baaritaanka ee madaarka. Waxaa kale oo aanay raggaasu fulinin qawaaniinta xasaanadda diblumaasiyiinta ee u saamixi lahayd in ay hore u sii caddeeyaan in ay lacagtaas dalka la soo galayaan oo ka dib na ay dhanka diblumaasiyiinta boorsooyinkaas kala soo galaan.

    Sababtu waa mid bayaan u cad ee ahayd in ay lacagtaasi qaab tuuganimo ah dalka ku soo galinayeen oo ay iyaga ku tahay sharci darro iyo akhlaaq xumo. Indha adagaa!

  3. * BAL INDHA ADAYGGA QAYAXAN EE IMAARAADKA DAYA *

    # Waxaa ay Imaaraadku ku andacoonayaan:

    “in Ciidamada Amniga ee Soomaaliya ay qoryo ku qabteen rakaabkii diyaaradda saarnaa oo isla markaa na ay kala wareegeen lacag dhan $9 milyan iyo 600 kun oo dollarka Mareykanka.”

    # Halka ay Dawladda Federaalku qirtay in lacagtaas iyo dadka shandadaha watay ba ay Ciidamada Amnigu judhii ba ku dhageen ka dib markii ay raggaasu diideen in shandadahaasi la mariyo qalabka baaritaanka ee madaarka. Waxaa kale oo aanay raggaasu fulinin qawaaniinta xasaanadda diblumaasiyiinta ee u saamixi lahayd in ay hore u sii caddeeyaan in ay lacagtaas dalka la soo galayaan oo ka dib na ay dhanka diblumaasiyiinta boorsooyinkaas kala soo galaan.

    # Sababtu waa mid bayaan u cad ee ahayd in ay lacagtaasi qaab tuuganimo ah dalka ku soo galinayeen oo ay iyaga ku tahay sharci darro iyo akhlaaq xumo. Indha adagaa!

    • # Qaar baa ku sigan in ay i weyddiiyaan sida aan go’aankaas ku gaaray. Waa qaab aad u sahlan oo sidan ah:

      Inta ay rakaabku diyaaradda saarnaayeen miyay Ciidamada Amnigu xog ogaal u ahaayeen in ay shandadahoodaasi lacagta intaas dhami ku jirtay?

      Waa maya waayo uurkubaalle ma aha. Maxaa haddaba ku sababi lahaa in ay ciidamadu rakaabka inta ay diyaaradda ugu galaan qoryo ku qabtaan kol haddii aanay lacagtaas waxba ka ogayn mise aanu wax tuhun ahi jirin? Waa waxba.

      Fasiraadda keli ah ee ugu macquulsan waa tan ay Dawladda Federaalku bixisay ee ah in dad diiday in ay shandahadooda qalabka baaritaanka madaarka mariyaan la tuhmay oo iyaga iyo shandadaha ba la xareeyay oo sidaas lacagta lagu ogaaday oo lana qabtay.

      Simples!

  4. ASC
    Dhammaan saldanada faca weyn ee soomaliyeed,

    Dr, cisman cawad iyo Dab la ridey salaan gobeed yaan hawada inoo dhexaysa idiin soomarinayaa idinka iyo shacabka kale ee raaciyadiina ahba

    • @ Abwaanka Faca Weyn ee Ustaad Khaliif Maxamed (faraxaaji),

      WCS WR WB Ustaadkeena qaddarinta mudanoow. Salaanta gobeed waynu kaa guddoonnay oo adigana mid taajka huwan ayaanu hawada kuu soo marinay.

      War Abwaan dee waad nagu qaboojisay oo naaneystii cajiibka ahayd ee in muddo ahayd (sida aan xasuusto) muran ba’ani uu ka dhashay ma lab baa mise waa dhaddig iyo macnaheedu waxa uu yahay ayaad naga baddashay kkkkkkkkkkkkkk! War meesha waad nagu kharribtay salla calee Abwaan.

      Maad inoo daysid aynu Faraxaajigii hore isticmaalno ee billaahi caleyk? Oo murtiyadii aynu kaaga barannay ayaynu teer iyo soo noqodkaagii kaa dhawraynay ee waa sidee Faraxaajoow!

      Waxaan anigu weliba aad u xiiseynayay in aad buug dhan oo sheeko ah inoo soo tabiso iyo qisooyinkii ku soo maray intii aad inaga maqnayd Abwaan. Soo deey hee!

  5. Waxaanaqli jirey ::::::::::::::

    Ninkii ilaahay wax lamaago diyaarad lacag ah yaa dalaq u Soo tiraahda sida warar hoosaad sheegayaa imaatinka lacagta waa la ogaa hadaba yaa sheegay dadka qaar waxay leeyihiin Jawaari ayaa rag KU sir qabsaday uu moodayey inay la safan yihiin,

    Qaarkale waxay leeyihiin faaliyaha qarankaa sheegay

    Qaar kale waxay leeyihiin rag wasarada arimaha dibada ee imaradka u shaqeeya ayaa Soo sheegay

    Ana waxaan leeyahay Lacag wadkeed galay bay ahayd

    • @ Abwaan Faraxaaji,

      “Qaarkale waxay leeyihiin faaliyaha qarankaa sheegay”

      kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. Saldanada lasheego xagey xukumi jirtay yey xukumi jirtay dad aan taariiq lahayn ayaa ladoonayaa in lasasabo bal qof aan shar&qeyr midna lahayn ninbaa waa nin ingiriis ah cadan kusalaamay waxaas miyaa lala shiryimaadaa kii ingiriis ladagaalamayna matihid kii lashaqeynayeyna matihid bal xagee lagugu xisabaa ma bahaahinka

  7. Suldaan Khaliif Maxamuud shire iyo Suldaaan Cismaan Basbaasle

    Aaad iyo aad baan idiin salaamaya salaadiinta sharafta iyo maamuuska mudan.

    Marka xigta arimahan imaaraadku waa nin danna kaa leh liidnimana kugu arkay, oo waliba markuusan aqoon badan kuu lahayn wuuba kaa xishoon jirey ee hadeer oo uu ku bartay, kuwo badan oo loo yaqaan salaan-xume-yaal oo aan kama maqnaan karin imaaraadka hal xili ayuu siduu doono ula hadlaa, oo iyagoo gantaal ah auuu kugu soo ganayaa haduu doono.

    Runtu marka laga hadlayana waa in la sheegaa wanaaga iyo waxtarka laga helay imaaraadka cid kale lama helin, laakiin waxaa la doonayaa in horta la kala doorto in aan noolaan karno sooryo la’aanteed iyo in kale, iyo in aan leenahay aragti dheer oo aan kaga baxno xirfadan xusub ee dawarsiga ah, meel inageyn mayso inta lasii socdana bakhti badan baa la cuni doonaa.

    Gebagabadii xukuumada maanta jirta iyo inta wax garanaysaa waa inay ka feejignadaan inaan marka ugu horeeya imaaraadka la tusin nacayb iyo fogeyn midnaba, waayo marka hore waa nin wax ku taray oo abaal buuba kugu leeyahay, marka xigana nin aan abaalgudi aqoon ninkaleba ma aamini doono inuu wax beri la qaybsado amaba kusoo dhiirado inuu dalkiisa maal gashado, far kaa fakadaana sanado badan buu kugu qaadanayaa inaad dib usoo xero geliso ee ogaada. Sidoo kale waa inay xukuumadu si cilmiyaysan u heshaa meesha iyo habka lagu yarayn lahaa in dawlad shisheeye ayba usoo dhexgasho siyaasadaha geerka ah ee dalka, laguna bilaabo in lasoo yaryareeyo xiriirada tooska ah ee siyaasadaysan, waxaaana taa keeni kara marka dowlada dhexe kalsooni ay siiso reer goboleedyada una adeegto danhooda horumarineed iyadoo aan la’isku cayayn, waayo way dhamaatay caasimada lagoo soo heeso ama wax walba loo doonto, iskusoo wada duubo feejignaan iyo waxgarad ku salaysan karti iyo indheer garad ayaa looga mushaaxi karaa xalaadhaha n wareesan ee dunida iyo geyigeena gaar ahaan aafeeyey beryahan danbe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*