DAAWO VEDIO: Golaha Guurtida Somaliland oo gaaray Go’aanka ka nixiyay DF & Shirkadda DP World oo..

Kullan ay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ay ku yeesheen Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa waxay ku ayideen Go’aankii Xildhibaanada Somaliland ay ku taageereen Heshiiskii saddex Geesoodka ahaa ee Somaliland,Shirkadda Dp World iyo Itoobiya ay wada gaareen.

Xoghahaya Guud ee Golaha Guurtida Somaliland C/naasir Yuusuf oo saxaafada u aqriyay Go’aanada ka soo baxay Golaha Guurtida ayaa sheegay in meel qura lagaga soo wada jeesaday fara gelinta uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku heyso Somaliland.

Sidoo kale,Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay iney muhiim tahay ayna taageerayaan Qorshe kasta oo lagu maalgelinayo deegaanada Somaliland si shacabka shaqo abuur iyo maalgashi deegaan u helaan.

Sidoo kale,Golaha Guurtida Somaliland ayaa tilmaamay in madax banaanida,Qaranimada iyo Xuduudaha Somaliland ay muqadas ay yihiin lana soo fara gelin karin.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

6 Comments

  1. Mooshinkii Jawaari oo Fashilmay (fallanqayn +cod)
    March 15, 2018 | Filed under: Important News,Wararka | Posted by: admin
    Waxaa la xaqiijiyay in mooshinkii la doonayay in xilka looga qaado Gudoomiye Jawaari uu fashilmay kadib markii kooramkii loo baahnaa ee ahaa 96 uu buuxsami waayyeen, maadaama 107 xildhibaan oo mooshinka keenay ay ka noqdeen 16 kamida, taasina ay sababtay in ay hareen 91 xildhibaan.

    Dhanka kalena waxaa la sheegay in aan muddo lix bilooda Jawaari mooshin looga keeni karrin sida dastuurku qorayo mar haddii uu fashilma mooshinka koobbaad.
    Warar hoose ayaa sheegaya in Raysal wasaare Khayre uu mooshinka hoosta ka waday ayna u badnaayeen ragga mooshinka saxiixay xildhibaanada ah wasiirada iyo ku xigeenada xukuumadda Khayre, arrinkuna daarnaa cayrintii Dp-world oo Jawaari uu ka madax adaygay talooyinkii ay xukuumaddu kaga hor imanaysay mooshinkii Dp-world.

    Arrinkaan ayaa haddii uu dhab noqdo oo la xaqiijiyo waxaa ay khasab ku noqonaysaa in uu Raysalwasaare Khayre is casilo maadaama uu maalintii ay Dp-world iyo Somaliland Dubai ku heshiinayeen uu khayre joogay Dubai balse markii uu Muqdisho yimid shir jaraa-id qabtay oo sheegay in uu kasoo horjeedo heshiiska.

    Hadana haddii wararkaas xaqiiqoobaan waxaa ay sheekadu noqonaysaa kaaf iyo kala dheere iyo sida aan marna dib danbe lowgu aamini doonnin Siyaasi Soomaali.
    Hoos ka dhegeyso Voa oo warbixin ka diyaarisay isla arrinkaan.
    ————————————————————————————–

  2. HEESTII HOBOLLADA WAABERI: DALKAYGU NIINKII DONAYOO INUU DUDSIYO RABOW

    ANAGU DIIDNAYEY OGOOW SOMALILAND, XAAJI SAALAX, SOMALILANDER, BARWAAQO
    1)Dalkayga ninkii Doonayo Inuu Dudsiyo Rabow

    2) Anagu Koonfur Didnayey OGOOW KKKKKKK KKKKKK WEY WEY KKKKKKK MORE WOW.
    ——————————————————————————————

  3. Waa muqadas iyo waa nala xasuuqay iyo xabaal laqodo iyo caaytan wadeeca Allah soomaaliyeed.waa laceeboobay.hadan dhulgad

    • ASC.
      KU:Nasra.
      Nasraay soomaali qolo kastaba dad badan baa bilaash uga dhintay.Reer soomaalilaan xasuuqa ay sheegtaan ayagaa bilaabay oo dawlad meel dagan bay la dirireen.Dawlad iyo jabhad gadaalamayna waa kuwii is laaya.Soomaalilaan dad laga lagayey.Ayana dad badan oo Daarood u badnaa oo shacab ahaa bay laayeen.Daaroodna ma yiraahdo dadkaas baa Isaaq naga laayey.Waayo shidooyin badan baa soomaliya ka dhacday.Haddii cid la xasuuqay waxaa la xasuuqay Daarood iyo soomaalikaloo badan.Hawiyaana xasuuqay.Aakhirkiina xasuuqii uu hawiye wax xasuuqi jirey ayagii baa iskula soo noqday oo hadda xasuuqii waxuu ku dhex wareegayaa beelaha hawiye dhexdooda oo is xasuuqaya.Calaa kulli xaal intuu Hawiye iska dilay Ilaahay (swt) bay u xisaaban tahay.Waase cadadka ugu badan ee ay Hawiye dileen.Isaaq dawlad bay la dirireen oo qabiil iyo beelo lama ay diririn,dawladiina way dhacday ee yay eedaynayaan?Ugu dambayn soomaali way is wada dishay ee hadda ha loo soo noqdo danaha taagan iyo midnimada soomaalweeyn.

  4. Sir baan idin la wadaagayaa inta akhyaarnimadoodu u dhowrsoon tahay, aan se ka billaabo xaqiiqadoo aan sir ahayn ee ah in ay Carabi u dhammaatay oo godkii waayo badan lala damacsanaa ay maanta ku dhacday. Sirta masiibadan Carbeed ku duugan ee dalkeena iminka saameynta ku yeelatay ayaa ah in ay Imaaraadku u gacan galeen bangiyada iyo shirkadaha ribaawiga ee UK iyo USA laga leeyahay ee jaa dhaqaalaha waddamada Galbeedka sida ba’an u galaaftay.

    Imaaraadku waa dal magaca uun Carab ka ah laakiin dhaqaalihiisii iyo ganacsiyadiisii oo dhammi waxaa qumaati gacanta ugu dhigay bangiyadaas iyo shirkadahaasi ribaawiga ah ee caalamka soo koraya damacoodu u soo diga rogtay ka dib markii ay Galbeedka ku guul darreysteen. Waa bangiyo iyo shirkado asal ahaantooda ba dalka ay soo galaan kheyraadkiisa iyo dhaqaalihiisa toos u kufsada oo fallisa. Imaaraadku waxay hadda kuwan u noqdeen aalad loo adeegsanayo in Caalamka Islaamka lagu soo galo oo kheyraadkooda ugubka ah lagu hambago maadaama ay bangiyadan iyo shirkadahani leeyihiin qoladii raamada lahayd ee dunida oo dhan laga nacebaa oo haddii la ogaado toos loogu kacayo.

  5. Cawaantan SNM taageersan ee DP World u sacabbo tumaysa dhagar ba’an ee aanay waxba ka ogayn ayay iskaga riyaaqayaan oo ma dhaahsana in kheyraadkii ay iyagu lahaayeen ee kana qatanaayeen cadaw shisheeye u sii gacan gelinayaan iyaga oo aan abid wax ka dheefi doonin haba yaraato ee. Woqooyi Galbeed jaa Itoobiyaankii baa qumaati u la wareegaya oo waa sababta ay Itoobiya hadda dekadda Berbera u sheeganayso waayo dhagarteeda ayay aad uga dharegsan tahay. Nacasyo dhulkooda, hantidooda iyo aayihii jiilashooda cadaw shisheeye dhaxalsiinaya ayaa weli afka sii kala haya oo Soomaalida damiirka leh wax ka sii sheegaya.

    WAKE UP PEOPLE, WAKE UP!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*