DAAWO VEDIO: Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo weerar Afka ah ku qaaday Jawaari,kuna baaqay in xilka laga eryo

Sheekh Nuur Baarud Gurxan oo ka mid ah  Hay’adda Culumada Soomaaliyed ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii Golaha Shacabka ay ansixiyeen ee dalka looga mamnuucay shirkada Dp World iyo Xiisada Siyaasadeed ee haatan dalka ka taagan.

Sheekh Nuur baaruud ayaa marka hore sheegay in uu ugu hambalyeeynayo xildhibaanada Golaha Shacabka Go’aankii ay dalka uga mamnuuceen Shikadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Waxa uu sheegay in xiligaan in dowladda Soomaaliya ay qaaday laba tallaabo oo aad loo jeclestay oo kala ahaa dib u soo celinta dhalinyaradii ku dhibaateysneyd dalka Libya iyo Go’aankii laga qaatay shirkada DP World.

Waxa uu soo hadal qaaday khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Xukuumadda iyo Golaha Shacabka,waxa uuna sheegay in waqtigaan aysan wanaagsaneyn mooshinada la’iska dabawado maadaama uu sheegay in weli dalka dagaalo ay ka socdaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayuu ugu baaqay in ay xaalada dejiyaan isla markaana ay joojiyaan mooshinada ay wadaan si xasilooni Siyaasadeed loo gaaro.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*