DAAWO VIDEO:Dr Cali Khaliif Oo Runta Ogaadey”Dhulbahante Ma Rabo Sland,Kuna Soo Noqday Maamulkiisi.

Xildhibaanada Garabkii Khaatumo Uga Biiray Soomaliland Ayaa Wakhti Dheeri Ah Ugu Daray cali khaliif Inuu yahay madaxweynaha Khaatumo oo iyaga Maamulaya.

Cali Khaliif Oo U Muuqanaya Inuu wali Lugta Kula Jiro maamulkiisii Madama Soomaliland U Muuqanayso inaysan Xiligani  Ka Biyo Dhalinayn Heshiiskii Ay wada Galeen waxa Wali Tuurta Ku Wadaa Khaatumo Si Hadii Guul Daro Ugala Kulmo Ula Soo laabto.

Qudbad Uu ka Jeediyey Goobtii Ayuu ku Bilaabay cali Khaliif Inuusan Dhulbahante Diyaar U Ahayn Heshiiskii Soomaliland Inay tageeraan dadkuna Ku kala Qeyb sameen.

Lakiin waxa Uu Sheegay Inuu wali si wadayo wada Hadaladaasi oo u Muuqanaya Inuu Ka Niyad jab san yahay Dr Ku.

Halkani Riix Video Muuqaalka

47 Comments

  1. Soo dhawaw hogaamiyaha ruuxiga ah dr galayr,hada kuwii shalay amaanayay ayaa maanta caayaya.lkn anagu waanu soo dhawaynaynaa.

    WAAR CAAWA GAROONKA ANAA HAYSTA,KKKKKKKKK
    CIYAALO ARMAAJO WAY WADA BAROORANAYAAN.

    HADA WAXBA KAMA MAQNE XAASIDNIMAY,LAWADA OOYAYAAN.

    HORAA LOO SOCONAYAA.

  2. Cali khalif tolkina kala dhinta iidoorkii uu u ordayeyna wey arkaan nin keligii socda oo aan isim wadan caaqil wadan aqoon yahan inaanu agtooda wax ka goyneyn waa ogyihiin cali khalifna waa ogyahay oo waabu cadeeyey inaan kala qaybsanaan awgeed aysan beesha waxba ka goyneyn meel u soo laabto iyo sumcad karaamo u haysa dhulbahante dhexdii haba sidaa ayaanu uga dhacay salaankii siyaasada wuxuu marayaa horjooge lix boqol oo caagle ku meeleysan awaamiirta ka qaata muuse biixi

  3. Cali Khaliif heshiishka ayuu dhamaystirayaa waanuna soo dhaweyneynaa. Odayaasha Isimada ahi Siyaasad aanay waxba ka aqoon ayay ku dawakheen oo sidii weli wey isku dabo meereysanayaan. Dhowr arimoodba Odayadani wey ka gun gaadheen. Kolkaas waxaa haboonaan laheyd inay doorkan ku soo dhiiradaan inay nabada qaataan oo halka ay siyaasiyoontoodu u hogaaminayaan ku hirtaan oo cududooda kusoo biiriyaan.

    1. Somaliland dagaal bey la galeen oo markay intii dagaalamaysay ku guul dareysteen dagaalkii wey iska joojiyeen. Dadkoodiina wey u tudheen oo nabad in ay ku noolaadaan ayay ka doorbideen.

    2. Dawlad Goboleed noqda ayay is yidhaahdeen, iyadiina markay arkeen inay sii xumaato oo sii kala daadato mooyaane oo inay dhimato uuni u hadhsan yihiin ayay iska goosteen inay dadka ay dantu ama dhulkuba iskugu jiraan ee ay iska jari kari waayeen inay iskala xaajoodaan.

    3. Odayaashii intay carareen ayay Muqdisho iyo Armaajo u tageen. Dhowr Bilood kolkay dul hoganayeen eenay waxba kasoo garan waayeen ayay iskaga soo huleeleen. Niyad jab kaas ka weynina mey jirin.

    4. Hadana xaaladii Tukaraq ayay Puntland iyo C/Weli Gaas run ka moodeen inay dagaalamayaan. Xitaa Garaadkii Garaadkoodii ugu weynaa ayaa isagoo sariir yaal ah intuu Qori Degta soo sudhay dagaalama oo kaca yidhi. Tiina halkay ku danbeysay weynu ka wada dheregsanahay.

    Hadaba, Odayaashan maxaa la gudboon. Nimanku jabhadeyn wax ku qaadi waa. Siyaasadeyn wax ku qaadi waa. Dawladii Xamar laba goorba wax u qaban weyday. Mar ay Madaxweynaha toos ugu yidhaahdaan wax Maamul Goboleed ah Garoowe Woqooyi ka xiga ma jirayo iyo mar ay Odayaashoodii ku yidhaahdaan adeerayaalow dadkiinaas wax iskala qeybssada anagu wax idiin ma qaban karnee. IYO. Mar Hartigii ay heyb raaca iskugu dhejinayeen dagaal ugu soo hiilin waayeen.

    Xitaa hadaan mid yar dhinac kasii raaciyo, xitaa dadkii caadiga ahaa ee ay iyagu isimada u ahaayeen ayaa dheg jalaq u siin waayay oo qaarna ka raacdeen danahooda gaarka ah, qaarna Khaatumo, qaarna Somaliland, qaarna Budhleyn.

    Hadaba waxa la gaadhay xiligii ay odayaashu isku beegi lahaayeen wixii loo cumaamaday ee loogu caano qubay. Taas oo ah inay arimaha dhaqanka iyo beelaha ku ekaadaan.

    Intaas waxa dhaafsan iyaguna iskuma tudhayaan oo dibad wareeg iyo magangalyo doon ayay noloshooda ku dhameysani. Dadkoodiina waxay ka hor istaagi wax walba oo horumar iyo nabad ah oo ay ku naaloon kari lahaayeen.

    Aad iyo aad baan uga murugoodaa markaan arko Odayaashan jahadii ka wareertay sida ay dadkooda u dayacayaan.

  4. Xaaji Saalax

    kkkkkkk Marfashbuu heysan jiray baan maqlaya tagsiilana miyuu ahaa?

    Say doontaba ha’ahaatee wuu u darsaday intii yareyd ee meesha kasoo geli jirtay. Xitaa waxaa laga goostay shilimaadkii yaraa hagbadii dumarka ka soo gaadhi jirtay beriguu Cali Khaliif kolba dhan uga dudi jirey ee uu kolba xas ka geli jiray. kkkkkkkkkkkkk

  5. DR AHMED..

    ii baashaal brother… reer Somaliland farxad bay la dhacsanyahiin.. maxaa yeelaay kuwii lahaa BERBERA ANAGAA XUKUNA.. waxaan shuban ahayn lagama hayo ilaa maalintay gafkaas ghaysteen…. WAAR AWLIYADA REER SHEIKH ISAXAAQ qofkii kusoo xad gubtaa HAATUF BAA KU DHAWAQAAYAA.. ma maqli JIRTAY HAATUF IGU DHAWAAQYE..walahay HAATUF BAA KU DHAWAQAYAA IYO BILLEEEH..
    GOD BLESS SOMALILAND! ]

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. waxaan la yaabanahay kuwii meeshaan ka tororog layn jiray ee hartiyeed toloow xagay ka dhaceen?

    meeshii axmed khaldaan baa qabsaday oo looga kala cararay
    wallee waa kuugu jirta

    • IIDOOR MARQAANSAN OO CODE 99 KU XADRAYNAYA LAGU MA XIDHO, ANNAGAA KAAGA QOON ROON EE NAGA WAREYSO MAANDHE!

      OO ADIGU HADDII AAD CUMAR MAXAMUUD AHAYD MA SNM BAA KU QARAMEYSAY LIBAAX MUDUGOOW WAA YAAB EE? UMAYNAAN BARANEE HAYNA BADIN, UMAYNAAN BOGINEE HAYNOO BADIN.

      GAW! NAW! JAW!

  7. rag alloow kalmadahaan yaa iga jaahil bixiya
    haatuf
    jeegaan
    iyo tu kaloo hada iga maqan
    balse aan had iyo gooraale meeshaan ka helo

  8. Libaaxa Mudug

    Sownagii isku ogeyn inaynaan Magacyada iskaga ciyaarin. Mise ana wiilka Mudug baan soo celiyaa?

    Mida kale aan kula kaftamee waa maxay kha dan baas? Nimankiinan reer Muduh ama M.J. dha diina waad nooga dheereysaan hadana ra diina weli waad badhxaysaan.

    Ta kale waa maxay kha dan lagu badalayo qa dii. Reer Xamarka cadcad uun baan aqaanay wax kha miidhan isticmaala. Qaldaan goormuu khaldaan noqday. Kkkk See, qofku khalad geli karaa, wuuna khaldanaan ama qaldanaan karaa, laakiinse markay naaneys ahaan loo isticmaalayo wuxuu noqonayaa Qaldaan.

    Meeshaas waxa kasoo baxay inaad labo goorba khalad iga gashay. Marna heshiiskii ayaad burisay marna naaneystii ayaad meel kaga dhacday. Kkkk kaftan.com sxb.

    Hadaan runta kuu sheegose Axmed Qaldaan waxay ahaan jirtay naaneystaan xamar ku lahaan jirey ee ay ciyaalo xamarku caruurnimadaydii iigu yeedhi jireen. Calashaan waxaanu aheyn qoyska keli ah ee Qaldaamiinta ahaa ee dhex ooli jirey xaafad wada abgaala. Alla maxaa Aabahay Allaa Yarxamee iyo odayada jaarka kala heysan jiray. Waxay noogu darneyd kol uu oday jaarka ahi intuu Aabahay oo guriga hortiisa ku weyseysanaya uu unyimid oo uu ku yidhi ‘doorooyinka cidaan wey na dhibaan’ oo Aabahayna yidhi ‘waar wuxu muxuu ku hadlayaa’ ee uu ka xanaaqay waxa uu odayga weyni ku hadlay. Kkkk

  9. Libaaxa Mudug

    Jeegaantu waa rainbow ga.

    Haatufna si wanaagsan uma garanayo laakiinse intaan is leeyahay waa shimbir warsheeg ah ama war qaad ah.

    Somalilander sxb adigu naga jaahil tir oo koleyba meel baan ka khaldanahaye iga sax.

  10. Haatuf waaa WAAQLE.. WAAQLE KUGU DHAC MA NAQASHAY….WAA BOMBO GACANTA LAGA TUURO OO SNM TU ISTICMAALI JIRTAY..

    Waan idin salaamay akhyaarta ardaagaa dabka Ku shidanayaaa..

    God blessed Somaliland.

    GOD

  11. ahahaa

    alla igu ogyahoo si darandooriya baa waxaa iiga soo yaacay qosol. waxaan u malaynayaa inaan ku aqoon jiray. war heedhe african village ma daganayd?magacaas waxaan ku maqli jiray nin dhalin yaro ahaa hayeeshee loodadkii in badan naga waynaa ahaa isla markaasna ciyaal banooni ahaa. waxay isku jaal ahaan jireen oo la dheeli jiray raga lahaa magacyadaan oo illaa haatan inay noool yihiin iyo in kale aan ciddina aqoon jamaal, carabeey, bashiir wayne, weershe,cabdulaahi dalbo, geeseey…

  12. friintaas kore waa iga soo fara baxsatay ka hor intaanan istaampo ku dhajin waxayna ku socotay saaxiibkay axmed

  13. dee waayahaye hadii jeegaantu tahay qaanso roobaad maxaa kalifay in magaca dad idinku mucaaradaan oo masalan markii cisman cawad ku durayo waxaa ka mida hadaladiisa jeegaanta oo saan isleeyahay uu ula jeedo iidoor ama sifo loo yaqaan iidoor. hadii qaanso roobaad qof lagu dhoho waxaa loo qaadan karaa “complement”
    maadaama qaanso roobaad qurux leedahay.

  14. Alahahoow maxay noqon ninkii AWRKIIS lacag siistay….hada waaaabaa awrkuuu Ku guuri lahaaa..

    Libaax mudug…bal adba!!

    Hhhhhhhh

    • somalilander

      ninyohow xoogaa arad baa ku jira qormooyinkaaga inkastoo ay xiiso yeelan karaan.
      fadlan iska sax si loo fahmo qormooyinkaaga

  15. Libaax mudug..

    Aduuu soow mJeerteenia ma tihid aka BUDHLAYN.. Seed u araggtaaa in BOSASO laga mabnuuco P&O Ports..??

  16. somalilander

    ninyohow xoogaa arad baa ku jira qormooyinkaaga inkastoo ay xiiso yeelan karaan.
    fadlan iska sax si loo fahmo qormooyinkaaga

  17. Hello ATRIISHO..

    Masoo dhawysay go aanka dawlada MAKA-AKKMUKARAMA Ku mabnuucday shirkada P&O eee imaaraadka?!

    Gahgahgah

  18. somalilander
    aniga fikarkayga hadaad i waydiisay waa kanaaye iga hoo

    waxaan rabaa in nin sidii cabdulaahi yuusuf ad adag qabsado puntland oo goortuu iidoor laba indhood ka qaado caga madoow ooda uga qaada oo baacsada isla markaasna damaciisu dhaafsan yahay sool. nin ku qabsada oo ka qaata ceergaabo iyo caynaba.

    hada adaa i waydiiyey fikirkaygii

  19. Libaaxaa Mudug,,\\

    Cabdilaahi yuusf yey dhimayee hadeer masoo kacayee TUKARAQ iyo YOOCADII miyaanay jirin cid kaloo ka hor istaagtaa Somaliland..???

  20. @ sOmalilander,

    kkkkkkk Waar ninyahow saran sare iga guddoon. Aniga oo bogag hore indhaha ku biniininaya ayaa farriin aad iigu dhaaftay ishu qabatay.

    War waxaan ku idhi ninyahow horta adigu midh baan aad kuugu qaddariyaa oo waxaa weeye indheergarad baad tahay oo meel aan dhaweyn baad wax ka xeerisaa xaqiiqdii kkkkkkkkk. Waagaanu ciyaalka ahayn baan xasuustaa in aynu ku heesi jirnay:

    #dharaar walba waayaheeda
    #Ilaahii dhisaa yaqaanna
    #Dhaaxaa nin xumaan dhibtaysan
    #Dhoobada afka lagaga jiiday……..

    Yaah! Adba iska garo dee kkkkkkkkkkkkkk.

    Isma garan wayno ee Waaqluhu sow ma ahayn shimbir fiidadka iyo habeennimada qaaq leeya ee la odhan jiray ciyaalka sebiga ayuu walba galaa mise qaadaa mise waxuun ku sameeya jinka sidiia?

  21. Libaaxa Mudug

    Waan yara baxay oo wadadaan saaranahay. Saasooy tahay aan ka yara faa’iideysto intan yar.

    May iskumaanaan xitaa dhowaan. Anigu waxaan ku dhashay Kaaraan, sanad dabadeedna waxaanu Guri ka dhisanay Huruwaa ama Helliwaa kolbaad saad u taqaano. Suuqa Huruwaa waxa uu noojiray 20 minute oo lug ah. Xero weyn oo ciidana wey noo dhaweyd. Gebigeeduba markaanu meesha kasoo qaxnay 10baan madaxa lasii gwlayay oo caruur baan ahaa.

    • Aan kuugu daree Xamar dhan waxaan ka xusuustaa Huriwaa iyo Suuqeedii, Warshada Baastada oonan waxba u jirin. Suuqa xoolaha oo dhanka Waxarcade xigay. Suuqa Bakaaraha oon dhowr jeer tagay. Xamarweyne suuqeedii oon iyana dhowr jeer tagau. Liido oo Imcayaasha lana geyn jirey. Isgoyska Siinaay. stadiumkii kubada lagu ciyaari jiray. Allaahu mustacaan maxay kale dee? Cisbitaaladii Banaadir iyo Digfeer oo aanu ku dhalanay aniga iyo walaahay. Kkkkkkkk. Waxaan kaga xusuus badanahay Jawhar oonu 4 bilood joognahay, Buulobuete, Belledweyne oonu soo dhex marnay oonu midkiiba laba usbuic ku hakanay. Buuloburto waa dhowr aqal meeshu caajisbaa nagu dilay. Kkkk

      Laakiinse Abgaalkaan lasoo koray reer woqooyi oo dhan Qaldaan bay ugu yeedhi jireen. Kkkkk xitaa caruurtayadii yaryarayd ayay dad waaweyni nagu odhan jireen Igaarkaan waa Qaldaan.

      Waxaan xusuustaa aniga iyo walaashay iga weyn oo baratamaya oo daf nidhi dukan yar oo Islaan jaarka ihi laheyd. Kolkaasaan idhi ‘shaah naga iibi’. Islaantu wey na taqaanay inaanu caleenta shaah nidhaa. Kolkaasay tidhi ‘meeqa xabo’. Kolkaasaanu isku mar nidhi ‘midh’. Islaantii malaha ilaa 5 miridh bay qosleysay. ‘Xaa dhahdeen’ iyo iigu celi baa kasoo hadhay. Kolkaas kaanu ku nidhi hal xabo. Kkkk

      Inkasta oo ay na jeclaayeen oo ay aroosyada xalwada noogu roonaayeen hadana qaldaamiin nagala may hadhi jirin. Anana kamaanaan xanaaqi jirin. Kkkkkkkkkkk

  22. Libaaxa Mudug

    Horta jeegaantu waxa loogala Jeeda Habar Awal iyo Habar Jeclo oo ku heshiiyay in ay Siilaanyo soo saaraan oo u codeeyaan doorkiisii, doorkana ay Muuse Biixi soo saaraan. Kkkk

    Saas u fahan.

  23. @ Ahmed & Libaaxa Mudug,

    Magacan JEEGAAN macnihiisa curadka ahi waa mid ku saabsan maaddada Fiisigiska (physics) ee daraasaadka TAMARTA / ILEYSKA / DANABKA had ba sida loo yaqaanno. Ayoonnada iyo birlabdanabeedka iyo midabbada ka soo baxa ayaa JEEGAAN la yidhaahdaa.

    Qaansa Roobaadku laftaheedu Ileyska fallaadhihiisu marka ay ayoonnada dhibcaha roobka isku beegmaan ayay midabbada is dul taxani ka soo ifaan oo qaansada qaabkeeda yeesha.

    Waa la iga sixi karaa.

  24. Cismaan

    Waxaad tilmaantay siday jeegaantu ama qaansadu u cirato ama samaysmato. Intaan garanayo Jeegaan iyo Qaanso Roobaad waa isku mid. Qaamsaduna waa sidii qaansada leebka lagu gano ama dhigaha buulka lagu dhiso ayay u muuqaal egtahay, jeegaantuna waa isla iyadoo midabadeedii tilmaamaysa. Waa intaan garanayo.

  25. @ Ahmed,

    Macnaha aad ku fasirtay waa sax laakiin anigu magacan asal ahaantiisa ayaan gadaal ugu sii riixay. Ileysku (qorraxdu / cadceeddu) ayoonnadiisu midhabbo ayay sameeyaan laakiin se indhaheenu ma qaban karaan oo iftiinkaas cad uun baa inoo muuqda.

    Marka ay midhabbada Ileysku toos ugu beegmaan dhibcaha biyood ee roobka ayay midhabbada qaansadu ka soo dhex muuqdaan. Qaansadu way goobaaban tahay sida dhibicda roobeed laakiin indhahayagu nuskeed uun bay qabtaan.

    ALLAAHU ACLAM.

  26. Nimnyahow Dhulbahnte iyo Warsangeli reer shekh Isxaaq isku meel weligiin uma socon weligiin soomaali diid la idinkuma aqoon waxaa la idiinka baahanyahay goaan yaan been la isu sheegin dad idiin yaqaan Faqash baad leedihiin waxbaan isku darsaneynaa War reer isxaaq hadaad adinku ahayn meelma gaarayaan ee hla soo jeesto doqonkaan caloosha weyn haka carararina beri buu iska tagaya qadyaan baa laga taaganyahay halkaan ayaad Madax ka tihiin ee ka soo noqda soomaalidiidka majaha idinka dhigayaCali waa aqoon yahayahan tala waayay

  27. Ceyntey

    Waar ninyahow candho beri hore gudhay baad gundhinaysaa. Kkkk Waaryaanay gacmuhu ku daalin ee is deji. Kkkkkkkk

    Somaliland ilaa Iidoor, Ciise, Gadabguursi, Madhibaan, Fiqishini, Dhulbahente, Warsangeli iyo Qabiilada kale we aanan Soo koobi Karin tagtaye oo Soo noqosho maleh ee yaanay gacmuhu ku daalin, cunuhuna KU xiiqin ee meelahaas kale ee aad naaso godlan xodxodan karo iska xodxodo. Dhego nuglana kuu lehna u yara xamxamlee. Kkkkkkkkk

  28. muuse biixi iyo shaqsiyaadka la haya meesha hargeysa iyo kuwa taagersanba ma yaqaanaan awoodna maleh mid cilmi qaasa iyo mid maadi toona mana yaqaanaan xisaab iyo micnaheeda, waa beenaalayaaal. dad vadan oo uu ka mid yahey axmed iyo qaarkale oo badan waa raaciyaal,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*