Wararkii ugu danbeeyay Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax degaanka Weedow ee duleedka magaalada Muqdisho lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo saarnaa gaari nuuca dagaalka ah.

Qaraxan oo la sheegay nuuciisa in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa ciidanka waxa uu ku qabsaday agagaarka Labaajadda degaankaasi.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay markii qaraxaasi uu dhacay in ciidamada dowladd ay xireen wadada, islamarkaana la ogaankarin Khasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale Risaala u xaqiijiyay in gaariga uu ka yimid dhanka Shabeellaha Hoose, islamarkaana uu kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama ogga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*