Ciidamada AMISOM oo la wareegay Xarunta Golaha Shacabka

Ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa guud ahaan la wareegay Ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdishio.

Ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Ugand ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan xarunta.

Ciidamadaan ayaa yimid ka dib markii Guddoomiye Jawaari uu xalay shaaciyay in ciidamo uu soo diray Ra’iisul Wasaare ay la wareegeen xarunta.

Xarunta Golaha Shacabka ma jiraan shaqooyin badan oo ka socda, waxaana horay u joogay ciidamo loogu tala galay in ay xaqiijiyaan Ammaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa horay u jooggay xarunta laakiin saakay ayaa lagu soo daray ciidamo dheeraad ah.

Khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xoogeystay, waxaana uu sameyn ku yeeshay howlihii baarlamaanka Soomaaliya.

1 Comment

  1. Dadkani wax weyn baa ka qaldan runtii. Xildhibaannada codadka laga soo duubay iyo qaar Guddiga Joogtada ahaan u hadlayay iyo xataa Guddoomiye Jawaari qudhiisu midkood na shaaca ka ma qaadin mooshinka waxa sababay iyo eedeymaha Jawaari lagu qoonsaday toona. Shacabkii ayay ku hor cabanayaan oo haddana saxarka isha ku jira waa la wada qarinayaa.

    Horta sideeda ba xeerar iyo qawaaniin in lagu dhaqmo loogu talo galay ayaa jira oo caalamka ka shaqeeya. Masuuliyad weyn baa ka saaran xubnaha dawladda iyo Golaha Shacabka ilaalinta nidaamka iyo isxaqdhawrka ka dhexeeya oo sidaasi aawadeed waa badownimo iyo nidaam xumo in markii la kala aragti duwanaado ba media-ha hawraarta la iskugu hor wiiq wiiqo mise mooshin baas lagu cararo.

    Meeshu miyaanay lahayn maxkamado iyo xeer ilaaliyeyaal beladan isku maran kala haga oo kala basariya toloow? Kol haddii shacabweynaha xaajada la hor keenay, sow waajibku ma aha in khilaafku halka uu ka curtay iyo waxa sababay ba shacabka la hor dhigo si markaasi xal loogu raadiyo?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*