DAAWO: Xildhibaan Fiqi”Inqilaabka Hubeysan Ee Xarunta Golaha Shacabka Waa Kalsooni Xumo Heysata Madaxa Dalka”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si kukul uga hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo Ciidamada la geeyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Ciidamada la geeyay Xarunta Golaha Shacabka at muujinayaa in ayaan kalsooni heysan Madaxda dalka.

‘Kacaanka 16 Maarso iyo inqilaabka hubaysan ee xarunta golaha shacabka lagula wareegay waxey muujinaysaa in madaxda dalku aysan naftooda iyo sharciga dalka aysan midna ku kalsoonayn, taas darteedna ay doorbideen in ay sharciyadda inqilaabaan ayadoo la joogo qarniga 21-aad iyo dal horey ugu soo hungoobay afganbi.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday hadal Caawa ka soo yeeray Gudoomiye Jawaari ee ahaa in lagu yiri saxiix heshiisyo laakin taasi uu diiday.

“Guddoomiyaha golaha shacabku wuxuu jeediyey hadal taariikhi ah, wuxuuna daaha ka qaaday in heshiisyo qol mugdi ah hoostiis la yiri ku saxiix inuu diiday, taasna ay keentay in lagu soo duulo barlamaanka si guddoomiye macmal ah oo waxa xukuumaddu rabto oo kaliya ka dhex qabta golaha shacabka,Inqilaabka hubaysan ee xarunta golaha shacabka lagu qabsaday ma ahan mid sii socon kara, lagumana gaarayo ujeeddooyinka gurracan ee looga gol leeyahay, wuxuuna soo dedejinayaa in ciddii sharci-darradaas ku dhaqaaqday sharcigu ciqaabo”

Hadalka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku soo aadaya xili Caawa ay Xarunta Golaha Shacabka la wareegeen Ciidamo isugu jira xasilinta iyo Koofi Gaduud,iyada oo lagu eedeynayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

4 Comments

  1. WAR DUULKU AFSOOMAALI XUMAA KHARA EE! BAL NINKAA INTAAS LA’EGI WAXA UU KU HADAAQAY MAQLA BILLAAHI CALEYKUM. XILDHIBAANNIMO AYUU SHEEGANAYAA OO SIDAAS AYUU NA U CAAYTAMAYAA OO KA BA SII DARAN EE SII QOSLAYAA!

    NINKII TALIN JIRAY……

  2. adigoo nigis idoor ah inaad aflagaadayso madaxda qaranka waa kuu nacasnimo bal horta adigu xor noqo ninkani waxaa soo doortay dad xor ah oo aan gumaysi kujirin fiqi maaha kuwa isxambaarka kujooga muqdisho ee hunguri keenay ee aan codka lahayn miskiinyahow aduunka kudulman

    • @ Malaaq Suxeyf,

      Salaan sare saaxiib! Ku soo dhawaaw xertaadii Marqaan. Ina-adeerkaa difaac waad u geli kartaa adiga oo nin rag ah sidiisa magacaaga saxda ah wata oo aan dhoocilaha sidooda u caaytamin.

      “Nigis” waa hadaaq foodley ee yaan mar kale lagaa maqlin aniga ayaa kaa naxaya ee! Nin rag ah caay u qalanta calal aqal soo yar tuur tuur kkkkkkkkkkkk.

    • KU:Cubeyd.
      Adigoo Mooryaan-Huutuu ah in aad professor Cisamaan cawad caydid waa caqligii Mooryaanta bah HUUTUU.War yaa maanta soomaali oo idil kaa liita dhankastaba?War maxaad ku fiican tahay oo ad noo sheegaysaa Huutuu yahoow dadkiisa DUBTAA.October
      14,2017 17 minutes baad ku QALATEEN ugu yaraan 655 qof oo ay ku jiree 198 Hooyooyin oo ka tagay dhawr boqol oo caruura iyo dhalinyaradii wadanka difacilahayd.Huutuu Cubeeyd oo ka dhuumo meel looga hadlo af-soomaali.Last seven days immisa qof oo masaakiin ahaa baad bilaash ku disheen?Waxaas ad daadinaysaan dhiiga shacabka masaakiintaa waa idinla caadi.Dadka waxaas xun suubiyaana ma aha Beesha Hawiye oo dhan ee waa KOOX xalaashatay xumaan oo dhan oo dooratay addunka.Aakhirana ilaaway.Habar Gidir waxay shacabka soomaaliyeed soo qalaanayeen 27kii sanoo la soo dhaafay.Walina waxay u sii ciil qabaan dhiigkaloo ay daadiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*