Thursday, February 22nd, 2018
.

Daawo Video Cali Khaliif oo ka hadlay Wadahadalka  Dowlada Faderalka, Somaliland, Ciidamada Khaatumo ee lagu daray Somaliland

,
Published on February 14, 2018 by   ·   6 Comments

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo Xalay gaadhay dalka Jarmalka ayaa Waraysi uu bixiyey wuxuu uga hadlay Wadahadalka la filayo inay dhexmaraan Dawladda Federaalka iyo maamulka Somaliland.

Dhinaca kale wuxuu eedayn dusha u saaray Xubnihii wax ka dhisay maamulka Khaatumo, Wuxuuna sheegay inay Tareenka ka Hadheen, Iyagoona Qofkasta uu dantiisa raacday siduu hadalka u dhigay.

Ugu dambayntii wuxuu ka hadlay Heshiiskii dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland,  iyo Ciidamada Khaatumo ee lagu Wareejinayo Somaliland, Wuxuuna sheegay in Ciidankaasi ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyin ay shacabka ku hayso Puntland siduu hadalka u dhigay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Spread the love
.

Readers Comments (6)

  1. Cismaan Cawad says:

    MALAHAYGU BOGGAN BAY KA QARXI DOONTAA EE

    @ Somali aka Somalilander,

    Adiga oo ku mahadsan jawaabtaas ayaan qodob aad daloolkisa sii cubatay isna su’aal yar kaa waraysanayaa, oo waa tan odhaahdii aad ku sii cubtay oo aan soo naqliyay:

    “aay la soo boodi doonaan looMA dhaMA”

    Haddaba maxaad ku caddeyn kartaa in dadka geyigaasi daggani ay ‘Somaliland’ ku wada dhanyihiin?

    *(Fadlan ha isku ceebeynin dhowrka sakhraansan ee Dhulbahantaha sheegta waayo calooshooda oo qudha ayay matalaan)

  2. Dablariday says:

    Iidoorku waxay aad u dhiirigelinayaan Madaxda Maleshiyadoodasida ina Biixi iyo ina Kaahin, Inay Hub Ka Dhigis Ku Sameeyaan Beesha Dhulbahante, Si ay u fududaato in Sahal lool wareego deegaanadaas…Kuwa u dhashay deegaanadaa oo Siyaasiyiin iyo Professors sheeganaya ayaana wax ka wada in taasi hirgasho, waa nasiib darro ay wax badan ka shallaayi doonaan dadka dega deegaanadaas haddaysan hadda u diyaar garoobin dagaal ay kala hortagaan horgalayaasha iyo Maleeshiyaadka Isaaqa oo kusoo haliilaya deeganadooda

  3. Libaaxa Mudug says:

    hadii arinta kor iyo hoosba laga eego ma waa hore mise haatan, labo qodob oo aan ka dhugtay maankayga waa kuwaane iga hooya jaalayaal. hadaba intiina graadka leh arintu waa guda wayn tahaye bal ka fiirsada oo ka baaraan daga

    1- cali ardaaye maalin dhawayd hadal gara buu lasoo shir iyo lasoo sharaaxaad tagay wuxuu yiri majeerteen waa diideen inay nala fariistaan oo wada hadal na dhexmaro. jaalayaaloow idinkoo maanka ku haya xigmadii soomaliyeed ee ahayd “aan wada hadalo waa aan heshiino” cawar ma wuxuu doonayaa inuu siduu rabo naga yeelo

    2-qodobka kalena waxaa weeye iskaba daa daruurigii loo aasaasay puntland oo ay ugu horaysay iskuy soo durjinta iyo iskusoo darka beelaha ood wadaagta harti wayne iyo walaalohoooda kale ee gayiga puntland ku dhaqan, balse waxaa in tagtay (leelkase)iyo in ku soo daba taagan oo sugaysa inay iyana baxaan.

    maxaa halkaas idiinka cadaatay???
    cawar ma wuxuu rabaa inuu dadka reer harti uu ceebaalo iyo cilado inta huwiyo deetana uu meesha ka kaluumaysto, isagoo inuu hiil iyo hoo waaba meesheedee aysan talo ugu jirin inuu u ka tago

    hadaba maxaa inala gudboon ileen dalku waa dalkayagiiye-ilaahaybaa nasoo daystay inaanu dalkii imaano oo hadii alle kuu roon yahay aawlaadsano baanu doonaynaaye.

    wax kaleeto ma leh inaanu iska bari yeelo oo qura baa nala gudboon-absolutely

    • Atoore says:

      ASC.
      Libaax Mudug.
      1.Marka hore haddii ad leedahay wax ajar ah waxaad u shaqaysaa ninkaad everyday caayeysid (Gaas).Isagaana la wareega camalkii fiican ee ad maalinkastaba suubsatid.Waayo had iyo jeer baad xamanaysaa oo ad caayeysaa oo ad masabidanaysaa.Saas darteed isagaad u shaqaysaa ee la soco.
      2.Tan labaad waa been puntlaan baa diiday in ay la xaajooto dad dhulbahante ah.Hadalkaas sax ma aha.Isla markaas waxaa la hayaa in uu Gaas marar badan isku dayey in uu shireweyne u qabto wax garadka beesha dhulbahante waana la isku af garan waayey.Sababtoo ah dhulbahantihii baa kala jira oo an wada socon.Calaa kulli xaal hadalkaas beentaa wax ka jiraan ma jiraan.
      3.Haddii wax la isku darsaday dhulbahante way haystaan qeybtii ay ku lahaayeen puntlaan.Baarlamaanka puntlaan waxay ku leeyahiin 17 xildhibaan,afar ama shan wasiir,ku xigeeno iyo agaasimayaal badan iyo xaataa saraakiil ciidamada ah.War saas markuu xaal yahay maxay puntlaan ka bursatay dhulbahante oo ad ku eedaynaysaa puntlaan?Dhubahante anshuur ma siiyaan puntlaan lamana weydiiyo.Warsangeli aad uga yar dhubahante waxay bixiyaan dhaqaalo fiican bilkastaba.Taasaana keentay in ay puntlaan wax yaalo badan u qabato warsangeli.Taasaa keentay in ay puntlaan aaminsan tahay warsangeli.Ninkii canshuur la baxaa macnaha waa an wax baxshee wax iigu dara.Waa hadal la yaqaan.Laakiin waxna keensan mahayo waxna hala ii qabto ma aha luuqad fiican.
      Kaaga la baxay Liibaaxa Mudug waxaan filayaa in aad tahay kii horay u watay KHALAF MADOOBE.Waayo waa isku qoraal iyo isku fakar labadaas magac.

  4. Libaaxa Mudug says:

    hadii nimankii dhulbahante la diiday in lala fariisto in loo hiiliyo waaba meesheede-mawaxaa hadaba inala gudboon inaan ugu dudnaa oo ugu caroonaa inay iska socdaan oo ama somaliland wax ku darsadaan ama iskood isu maamulaan..aniga malahayga labadaba gar bay u yeelanayaan.
    majeerteenoow markaad noosoo faaruqdaan noo imaada annana halkaanaan idiin fariisanaynaayoo idin sugaynaaye. war waxaasi ma soconayaan
    WHERE IS EVERY BODY?
    WHAT THE FUCK!

  5. Geel-qaad says:

    Midkaan libaax Mudug la baxay oo caytamaya
    yaa af yaqaan. War reer mudugu cayda laguma yaqaan ee dhiiranaan oo hadal raganimo baa loo daayey,ee si la yaqaan u hadal oo cayda jooji.Waxaa ku sheegaya kolley sinji dhaan baa tahay oo mudug dhegta ka maqashay ee magaca noo dhaaf.



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...