XOG CULUS + Muuqaal;-Faysal Waraabe iyo Cali khaliif Maxay u tageen Dalka Jarmalka? (Video)

Waxaa dalka Jarmalka gaadhay  Madaxwaynihii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Xubno ka socday Jaaliyadaha Labada dhinac ee Halkaasi ku sugan, Waxayna ka mahad celiyeen soo dowaynta loo sameeyay.

Faysal oo dhowaan Xog ka bixiyey Safarka  Jarmalka ayaa sheegay  inay halkaasi u tagi doonaan Dhaqaalle Jarmalku ugu deeqay Soomaaliya, Iyagoo u sheegi doona inay Khaatumo iyo Somaliland is raaceen Qaybtoodana ay soo qaadan doonaan.

“Aniga iyo Cali khaliif Waxaanu ka sheekayn doonaa Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Waxay bixinayaan 122-milyan oo doollar, waxaanu doonaynaa inay Qabteena na siiyaan,  Khaatumo iyo Somaliland oo wada socda ayaanu Adduunka soo tusaynaa “ Ayuu yidhi Faysal.

HALKAN KADAAWO MUUQAALKA

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

17 Comments

  1. Waa qayb ka mid ah cajlada waalida faysal cali waraabe inuu ku shakeeyshakeeyo 122.million jarmalku ku bixinayo horumarka iyo mashaarimashaariicda somalia oo already uu saxiixay wasiirka qorsheynta somalia ayaanu ticket u goosanay aniga iyo cali khaliif inaanu qaybteena soo qaadano kk somaliland qayb kama hesho deeqaha Sudan iyo Ethiopia la siiyo why ay daasada ula wareegaan markay maqlaan deeq somalia la siinayo hadey dal Somalia ka madax banaan yihiin jawaabta waxaan u deynayaa suldaanka beelaha harti suldaan Cisman Cawad

  2. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    ASC Ababina

    Waa su’aal ubaahan jawaab taas, hadana midkalena waa jirtaa oo ah ujeedka adeer cali uu uaaday hargeeysaba waa taas iyo tu lamida ma istiri. Calashaan DAASAD lawareeg oo dawarsi doonta markii lamaqlo DEEQO LABICINAYAA SOMAALIA> Welina madax banaanideena Ayaan heeysanaa ee ogoow kkkkkkkk

    Suuliyaashii ma nala socotaan? kk

  3. @ ABABINA, GABAR HARTI & AKHYAARTA SALAAN GOBEED IGA GUDDOOMA:

    Ababina mahad naq kal iyo laab ah ayaan hawada kuu soo marinayaa maqaamkaa aad igu sharaftay iyo su’aashaas qiimaha badan ee aad igu qaddarisay.

    Maafiyadan magaca ‘Somaliland’ ku qadhaabata markoodii hore ba deeqaha shacabka saboolka ah loogu soo dhiibo ayay weligood afka u dhigan jireen oo waa wada xaaraan ku nool iyo xaaraan ku naax. Malaayiinta ay hambageen geyiga dhammaantii ayay laamiyadu is wada qabsan lahaayeen oo isbitaallo waaweyn iyo boqolaal skuullo ah lagu dhisi lahaa. Kumanaan caruur ah (oo wada Isaaq miiran ah) ayaa tallaalyo iyo daryeel caafimaad ba haleeli lahaa iyo hooyooyinkood ba. Tiisa daryeelaa tu kale ku dara.

    Laakiin ma dhicin oo mana dhici doonto oo dayaca iyo silaca ka muuqda waa loo wada jeedaa. Sababtu waa mid bayaan iskaga cad ee ah in aanay maafiyadani Isaaqooda xataa naf iyo nacfi ba u haynin cid kale is ka daa ee. Khadadkii uu magaca Irirnimo Xassan Xoolo ugu soo xidhxidhay iminka ayaa laga jaranayaa sida loo sheegay ba. Asaasaqan ceelka gudhay wadaanta ku tuuray ayaa ba ka sii waalan.

  4. @ Garaad Ababina

    Salaan sharaf Garaad.

    Waa Su’aal Da’ weynoo Madaxa Daalinaysa.

    Baryadda aan Farsamo La Soconin waxaan anigu u aqaanaa ”’ INDHA ADAYG ”’

  5. Kkk waxaan LA yaabanahay umadan MarkiI aay maqalaand somaliland biqlaaynaya,war waxa maamul ah ee hada jira oo aay ku jirto dolada somaliland MA Dib ayaan u bur burnaa oo gadaal ayaan u labanaa mase wixii jiro oo tabasha ah ayaa LA xaliyaa,!!

    • @ Somali aka Somalilander,

      Salaan marka hore. Isla su’aashaas aad nagu soo wiiqday aan dib kuugu soo wareemo ee bal adigu naga qanci habka aad doonayso in wax loo xalliyo.

  6. Kkk cismaan waan kaa qaaday salaanta qiimaha badan ee aad hawada ii soo marisay adiguna mid taa LA mid ah.hadii aad igu soo celisay su’aashii aan idin waaaydiiyay,waxaan isku dayayaa in aan ilaa xad Idinka qanciyo waxaa say Ila muuqato.anigoo og in rag badan oo meesha ku jiraahi aay la soo boodi doonaan looMA dhaMA.waana soo gaabinayaa,gadaal xogaa yar aan u laabano dowladii kacaankii Markii aan bur burinay wadankii oo dhan waa uu wada bur buray,Somali waxaay is ku raacday in aay qaadato federal.federaalkaas waxaa ku heshiiyay oo kali ah Dadaka ku abtirsado Somali italiya,waxaa jira maamul goboleedyo ka tirsan dowlada fadhigeedu yahay xamar.OK waxaan loo baahan yahay in maamuladan aay ka dhabeeyaan wixii aay ku soo heshiiyeen iyagoo wada jira oo aan loo yeerinin cududooduna mid tahay in aay hor fariistaan walaalhooda somaliland oo aay si wanaagsan ugu raaridaan in aay wax Isla wada yeeshaan mar labaad ama aay ku Kala tagaan,ilaayn laays kama lusho maalin walba’e cismanow,

  7. @ Somali aka Somalilander,

    Adiga oo ku mahadsan jawaabtaas ayaan qodob aad daloolkisa sii cubatay isna su’aal yar kaa waraysanayaa, oo waa tan odhaahdii aad ku sii cubtay oo aan soo naqliyay:

    “aay la soo boodi doonaan looMA dhaMA”

    Haddaba maxaad ku caddeyn kartaa in dadka geyigaasi daggani ay ‘Somaliland’ ku wada dhanyihiin?

    *(Fadlan ha isku ceebeynin dhowrka sakhraansan ee Dhulbahantaha sheegta waayo calooshooda oo qudha ayay matalaan)

  8. Kkk kkk kkk cismaanow waxaan jeclaan lawn lahaa in aadan waxba sii sarifin qadaadiicda taasi waa iga talo. mida labaad weeye in aadan caayin umad aan caay kaa mudnaayn in kastood habeen iga xigto. ee xigmad buu Ala ku siiyaye si kale u dhig. sidii cali qaliif oo kale ha is qawinine,

  9. @ Somali aka Somalilander,

    Saaxiib in la is durreemo oo la is duqeeyo dow ma aha. In la doodo oo ay dar walba dabuubteeda dadka hor dhigto ayay dantu inoogu wada duugantahay.

    Anigu dood baan diyaar idiin la ahay ee ama dooda ama dareera oo naga daaya daandaansiga aydun ka dabaalan karin.

  10. walaalow su’aal ayaan soo bandhigay anigii ayaad igu celiday,arigtidaatdii Ayaan hadane cabiray.hadane waad igu gaaf wareegtay waxaad tidhi meelihii Lagan duqaayn lahaa waad gufaaysatay,hadane waxaad I leedahay dood ayaan diyaar u ahaay,MA somalilander nimadaad ku qanacday oo waxaad na leedahay dadkiinaa koofur Isa soo fahma.ka dibna noo kaalaya angoo somaliland ah mase waxabaa Kuula socda,

  11. Mideeda kale hadalkaaga kore wuxuu ila ekaaday nin doodii faaruqay,oo is dhuubay kkkkkk waxaan is iri cismaan tag yaye bal midaan ka Daba tuur kkkkk kkkk,ee manan is lahaayn ku dur wlhi.kkkkk

  12. @ Somali aka Somalilander,

    #’#’ol’/?.,#u;t7i;;lfyjlynu477o>?’,./@~[]+_)9*7^5 £#’#’ol’/?.,#u;t7i;;lfyjlynu477o>?’,./@~[]+_)9*7^5$£

    Intaa aan soo qoray miyaad fahantay? Haddaba waxa aad soo qortay waa la mid ee af muslim iyo af gaal ee aan fahmi karo mid uun wax iigu sheeg.

  13. @ Somali aka Somalilander,

    In aan ku la qabsado igu ma habboonayn oo hore ayaa la iga waaniyay, waan se kugu qaddariyay markii aad hadal ii soo qortay.

    Awal ba dood diyaar u ma aanad ahayn ee Atoore iyo Libaax Mudug ayaan kuu daynayaa.

    Banka libaax ee uu Ahmed SNM ba naftiisa uga la cararay maxaa ku keenay adigu?

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  14. Kkkk maxaa dhacay miyaasan Niman rag ah oo dood yaqaana ahaayn maxaad u liidaaysaa,kk mase is tiri adigaanba wax badan iyga dhaamin marba hadii aadan ahaayn TALA KEEN AMA TALA RAAC TOONA,KKK

  15. @ Somali aka Somalilander,

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk horta qoslaayoow in aad hoosta xariif ka tahay maanta ayaan ogaaday! Waxaad u dhaqantaa raha sidiisa – had ba marka la isku dayo in gacanta lagugu qabto ayaad meel kale u booddaa…oo aad u booddaa…oo aad haddana u sii booddaa kkkkkkkkkkkkk

    Boodboodow anigu maaro kuu waayay bog kale ayaan comments ka dhiibanayaa ee.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*