Thursday, February 22nd, 2018
.

Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada oo lagu wado in loo magacaabo Safiirka Qatar

,
Published on February 14, 2018 by   ·   No Comments

Warar laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole lagu wado in loo magacaabo Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhin doono Qatar, iyadoo arrintan uu gadaal ka riixayo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta Qatar dal muhiim ah, iyadoo in dhawaalaba ay ka fiirsaneysay Safiirka loo magacaabi karo booskaas ee ka bixi kara ama ay is leedahay xiriirka labada dal wuu hagaajin karaa, waxaana aad loo hadal hayaa C/risaaq Shoole oo  ka mid ah saaxibada Madaxweynaha iyo xubnaha awooda badan ku leh Madaxtooyada.

Iilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Madaxtooyada ay dadaal ugu jirto sidii Safaaradaha muhiimka ee banaan loogu magacaabi lahaa xubnaha ku dhow Saaxibada Madaxweynaha oo ay shaqsiyaad kala duwan ay wataan, si Safiiro loogu magacaabo.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa isa soo taraya shaqsiyaad la hadal hayay oo loo wado Safiiro, gaar ahaan dalalka muhiimka ah, sida Kenya, Imaaraadka Carabta, Kuwait, Mareykanka iyo dalal kale.

Illaa 12 Safaaradood ayaa laheyn wax safiir ah, tan iyo markii sanadkii hore xilalka laga qaaday Safiiradii dalalkaas joogay oo qaarkood muddo sanado hayay xilalka, waxaana lagu dhaliilayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda in aanay wali soo jeedin buuxinta safaaradaha banaan.

Spread the love
.

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...