DAAWO MUUQAAL: Maamulka Somaliland oo Go’aan lama filaan ah ka soo saaray xuka 14-february maalinta Jaceylka Aduunka

Maamulka Somaliland ayaa War Culus Kasoo Saaray Maalinta Jacaylka Aduunka ee 14-February Waxaana Go,aanka Xukuumada Somaliland ee Arrintan ku Wajahan ku Dhawaaqay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdalla Axmed.

Guud ahaan Culimada Soomaaliyeed ayaa Maalmihii ugu Danbeeyey ka Hadlayey Arrintan oo ah mid aah Sal iyo raad Toona ku Lahayn Diinteena Suuban ee islaamkA.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

 

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

3 Comments

  1. Maafiyadan magaca ‘Somaliland’ ku qadhaabata markoodii hore ba deeqaha shacabka saboolka ah loogu soo dhiibo ayay weligood ba afka u dhigan jireen oo waa wada xaaraan ku nool iyo xaaraan ku naax. Malaayiinta ay hambageen geyiga dhammaantii ayay laamiyadu is wada qabsan lahaayeen oo isbitaallo waaweyn iyo boqolaal skuullo ah lagu dhisi lahaa. Kumanaan caruur ah (oo wada Isaaq miiran ah) ayaa tallaalyo iyo daryeel caafimaad ba haleeli lahaa iyo hooyooyinkood ba. Laakiin ma dhicin oo mana dhici doonto oo dayaca iyo silaca ka muuqda waa loo wada jeedaa.

    Ma se ogtihiin in kumanaanka kun oo dhalliin yaro ee tahriibta galaysa ee kuna lee’anaysa badaha iyo saxraha ba ay 90% deegaanada Isaaqa ka soo tahriibeen? Miyaa se laga war hayaa isbeddelka bulsheed ee xooggan ee Woqooyi Galbeed iyo Burco ka hirgalaya in dhawaale, iyo in ay Oromada iyo Xabashidu ayaxa sidiisa ugu soo qulqulayaan oo ula wareegayaan?

    Nacasyada meelahan ka dhuryama ee magacyadeena koobbi gareynaya ee midnimada iyo qarannimada Soomaaliya nacebi deegaanadoodii ummad kale ayaa kala waregeysa oo dhallaankoodii badahaas iyo saxrahaas ayay ku halligmayaan. Masiibooyinkaas waaweyn ee mashruuca beenta ah ee ‘Somaliland’ kaga habsaday u ma muuqdaan oo nacaybka Soomaalida kale ayaa ka indho iyo dhega tiray runtii. ‘Somaliland’ maxay idiin soo kordhisay haddii deegaannadiinii dhammaa ba la idin kala dhaxal wareegay?

  2. Dahabshiil ba in dhawaale waxay ka ganacsanaysay suuqa ka-dallaalsiga sicir bararinta sarrifyada iyo lacagaha (speculative financial market) oo kuwani hadda la hadal hayo iyana saantaas ayay qaadeen. Ganacsiga suuqani waa xaaraan maqdac ah ee aanu ku dhiiran karin ruux muslim ahi. Gaalada ayaa xataa ku tilmaanta in uu yahay suuq ribooyinka ugu xun ku salaysan oo aanu ku biiri karin ruux damiir leh ee ay binu aadminimo ka qoyantahay.

    Waa suuqa aabbaha iyo hooyada u ah sicir bararyada caalamka ka dhaca ee sababa faqriga baahsan ee qaaradaha iyo dalalka saboolka ah ka jira. Maafiyadan magaca ‘Somaliland’ ku budhcadeysa iminka heerkii ugu halisnaa ayay hunguriga iyo damacu ka gaareen – xasbunallaah!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*