Thursday, February 22nd, 2018
.

DHAGEYSO; Ku dhawaad 570 askari & Saraakiishooda oo Sabab la Yaab leh shaqo joojin ugu dhawaaqay

,
Published on February 14, 2018 by   ·   No Comments

Ciidamada Booliska ee Maamulka Galmudug ayaa 48saac u qabtay in maamulka Galmudug ay ugu jawaabaan cabasho ay qabaan ciidamadaasi, kuwaas oo kacabanaya in eysan helin xaquuqdii ay la haayeen.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa tilmaamay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay ey nan arag xuquuqdii ay la haayeen, sida mushaarkoodii, Gunadii, daryeel, dalacsiin, iyo waxyaabaha kale ee ay mudnaayeen, isla markaana ay waayeen cid ka hadasha hadii ay ahaan lahaayeen Madaxda sare Dowladda federaalka, Madaxda maamulka Galmudug iyo Taliska Booliiska ee maamulkaas.

Ciidamadaan ayaa ku dhawaaqay shaqa joojin ilaa iyo inta looga soo jawaabaayo, warar hoose oo Warbaahinta heshay ayaa tilmaamaya in ciidamada shaqada joojiyay  ey ka badan yihiin 570 askari  iyo saraakiishoodaba.

Xariiro lala sameysay saraakiisha ciidamada Booliska maamulka Galmudug ayaa waxay sheegeen in maqleen shaqa joojinta ciidamada Booliska Galmudug ay ku dhawaaqeen laakiin ay ka jawaabi doonaan saacadaha soo socda.

Spread the love
.

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...