Thursday, February 22nd, 2018
.

Daawo Muuqaal Yaab Leh Ciidankii KHaatumo oo Lagu Daray Somaliland (Video+Warbixin)

,
Published on February 13, 2018 by   ·   18 Comments

Maanta Ayaa Deegaanka Balicad Ee G- Cayn Waxaa Lagu Wareejiyey 200 Oo Askari Kuwaasi Oo Ahaa Ciidanka Khaatumo

Munasibadii Cidanka Lagu Wareejinayey Waxaa Kusugnaa Wasiirka Amniga Khaatumo Keyse Cabdi Yusuf Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Axmed Xaaji Cali Wasiirk K/x/ Maaliya Maxamed Cali Bashiir Masuuliyiin Kale Oo Katirsan Xukuumada Khaatumo Taliyihii Ciidanka Lagu Wareejinayey Aaga Widhwidh Gaanshale Sare C/laahi Dheere Saraakiil Katirsan Cidanka Iyo Waxgaradka Deganakaasi Balicad

Wasiirka Amniga Khaatumo Ayaa Cidanka Wareejiyey Isagoona Sheegay In Ay Kamid Tahay Qadobadii Ay Ku Heshiiyeen Soomaliland Kana Uu Yahay Mid Fulay Maanta

HALKAN KADAAWO MUUQAALKA

 

Spread the love
.

Readers Comments (18)

  1. ebyan. says:

    waa yaab haaaaaaaaaaaaa kuwaan musiibaa ku dhacday, ilaahayow ceebtayada astur.

    • Mohamed says:

      War reerkan xalkooda waa tusbax Furmay!! Waa umad qiyaamuhu aduunka dushiisa ugu dhacay.

      Qofka ku ciyaaraya sharaftooda iskama qaban Karaan, subxaanallah

  2. Cismaan Cawad says:

    Walaalayaal tolkeenan Dhulbahante yaan lala yaabin oo lagu diimin. Waxaad fahantaan xaqiiqada ah in raggani badankoodu ay xaasas leeyihiin oo afka loo kala hayo, ama se ay yihiin barbaar calaf doon ah ee guur iyo quud ba u baahan. Dantaada maqaar eey baa loo gogladaa ayay Soomaalidu tidhi.

    Ceebtu waa mid ay heeryadeeda huwan yihiin kuwa madaxda isku sheegaya ee Villa Garoowe ku raaxeysanaya iyo hoggaanka beesha oo dowrkoodii si xun u wada gabay. Wax walba waxaa ka sii murugo badan dhulka Eebbe ku galladay nimcada wadhan iyo sida ay uga qatan yihiin.

    Maamulka Puntland waxaa ku waajib ahaa, si kasta oo ay beeshu u kala daadsantahay, in ay khasnad iyo wasaarad u gaar ah u abuuraan deegaanada beesha oo loogu shubo miisaaniyad ka kaafisa duruufaha degdegga ah. Ina Camey ayay ahayd inta uu Villa Garoow dhex barraaqsan yahay in uu jaaliyadaha iyo ganacsatada beesha iyo hayadaha caalamiga ku dul dhammaan waayo si uu shaqo abuur baahsan deegaanadaasi uga sameeyo oo loo fidiyo adeegyada bulsheed ee daruuriga ah.

    Nin baahi hayso ee ay reerkiisu ka baahan yihiin shayddaanka xataa haddii uu wax ka helayo wuu u shaqo tagayaa ee yaan reerka lagu dambaabin. Kuwii ka dhashay iyo kuwa tolkooda sheeganaya ee maamulka Puntland gacanta ku haya ayaa dayacay oo dayriyay.

  3. muna says:

    cismaa cawad ha kaasaarto reero yay leeyahiin oo bahai ba ahaysa waxaa layiri dharag guimo leh gaajo gobaimo leh yaa dhaata reer dhulbhate maanta gabdhahoodo guur maleh hadiiba aad qiil u samynysid dhurwaaydan idoor isgagiiba is gumaynya humguriga u raadsaday walaa ina camay walaa ruux kale ma celin karo e waa i aad sida isu dhaanatan dhulbhante daroodna waad ceebayseen oo mannta cid idi ka liidata somali kam dhalan

  4. Ahmed says:

    Markay fajacaan ayay wax kale iyo marmasiiyo ku meereystaan. Dagaalkii kasbashada dadka Somaliland baa sutida u heysa.

    Shalaytoole markay Puntland dhowrka nin iyo in kale oo ay ciidankeeda kasoo dhex raacsatay video games yar kasoo duubaysay inay tani dhacayso ayay sii ogaayeen. Kkk shalay waad wada faraxsanaydeen, maantana qaracan baa cunuhu jiq idiin wada yahay. Kkk in kalena wey Soo socota, heshiishkiina waa la fulinayaa, sidaas Sool iyo waxaad cayn ula baxdeen ku illooba.

  5. Ahmed says:

    Videoga yar kasoo duubayeen ama muuqaalka yar kasoo …

  6. Gabar Harti says:

    ASC mr Cawad, Abyan iyo Mohamed

    Horta waxaa Jira arrin naga wada qarsoon oo ah in dalkan gaalo utashatay! reerkaana cuna qabateen culus lasaaray oo gaajo iyo oon logu dilay illen wadanka oo dhan gaal uunbaa ceeyr yar uqeeybiyee. Teeda kale anigu waxaan aaminsanahy in Puntland eeysan wax weeyn ku tari Karin reerkan iyo kuwa kaleba oo macnaheedu yahay hadii ayagiiba qeeybsanyihin wax weeyn aan loo qabankarin hadana dhaqaale ku filana oo caawinaad ah eeysan VILLA GAROOWE heeysan. Tan sadexaad haka tegina reerku waa ARGAGIXISO ciidankii Puntland qarax iyo dagaal ayeey kabicxi la’yihiin iyo weliba Somalia inteeda kale meesha kaliya oo nabada ah waa meesha argagixisada ku nooshahy. XAQU WAA UU IMAAN MAR UUN INSHA ALLAH.

  7. Cismaan Cawad says:

    @ Ahmed,

    Saaxiib bal waxaad maanta inoo bidhaamisaa qaabka aad rarkaaga u furi doonto kol haddii:

    1) ay beesha Garxajis is kaga baxday qaddiyaddii iidoor ee ‘Somaliland’oo ay beelaha geyiga intooda kale aaminsanyihiin in ay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

    2) ay Beesha Caalamku bayaan u qeexday in Jamhuuriyadda Soomaaliya aanay kala qaybsami doonin asalka ba

    Lagu af garan waa ee, ma waxaad u ol oleyneysaa in beelaha geyigu ay ku midoobaan maamul federaalka ka tirsan, mise in ay taadii khayaalka ahayd ee ka go’idda Jamhuuriyadda Soomaaliya kugu raacaan?

    Miyaad se ku riyootay mise waa kaa dhab Ahmedoow in ay beelahan kale dalkooda Soomaaliya abid gooni uga go’i doonaan?

    Bal taada naga qanci maanta illayn waa adigaa meesha ku xiiqay ee.

  8. Gabar Harti says:

    ASC Axmed

    Horta hore Puntland waa kaxoog iyo xeelad badantahy Somaliland marka xaqiida laga hadlo lnk haka tegin mid

    1 waxaad adeegsaneeysaan waa Daarood oo idin dagaalamaya iyo weliba Gudabiirsay iyo Ciise ee Isaaq ma’ahn
    2 ARGAGIXISA nimada hadii laga daayo iyo MIINADA aad u aaseeysaan dadka Islamaka ah waxaba matihin idinkoo weliba kakooban intaas oo qabiil oo kala duwan hadan MJ kalya idinla dagaalamayaan
    3 xoogaa dhaqaala ah oo gaal dantiisa wata uu idinku sadaqeestay ayaad moodeen ineey dowladi idiniin dhiseeyso

    SADEXDAAS qodob waa xaqiiqda Somaliland ku salaeeysantahy ee adiga iyo ninka wata Soomali runtii suuli Ayaan dhihi lahaa e horta waa inaad ogaataan ineeydan Daarood iyo Harti midna ka adkaan oo eeyday NIYADA kudhisan WAX EEYDA AHEEYN adiga iyo saaxibadaaada haweye. KKKKK

  9. Gabar Harti says:

    Isaaq iyo Haweye waa umad aan xaqiida ku nooleen ee khiyaali iyo naceyb uun nolol mooday Daaroodna waxaa maskaxda ooga qufulan wax layiraahdo WADANINIMO iyo DAL JACEEYL.

    Waxaa kuu markhaati ah

    Harti oo Isaaq ku hungoobi doona inteey isleeyhin Somali nimo raadiya oo naceeyb gaamuray uraadinaya aargoosi iyo wax
    xukuma kaga dhegtay iyo Mareexan oo Mooryaan Somalinimo uGu hungoobay iyo weliba reer Jubbaland oo giir giir moodaya bini aadam wax lala wadaagi karo.

    Intaaba waa xaqiiqda Daarood ku saleeysanyahy inta eey somalinimo raadinayaan weeyna ku wada hungoobi doonaan oo kashaleeyn doonaan mar eey too late tahy.

  10. Cismaan Cawad says:

    GOOL BAA XERADII GILGISHAY!

    Libaaxadda Gabar Harti salaan sare ina adeer kkkkkkkkkkkkk goggoshii waxaa juuq ba laga waayay markii aad ka dhex jibaadday kkkkkkkkkkkk.

    Geesiyad nasabad ah iga dheh! Waa kaa Ahmedkii awal igu soo qamaami jiray caawa saynta laabtay!

    @ Waxaan iyana salaan diiran halkan u soo dhigayaa marwada Daraawiisheed ee sagal suubban.

  11. libaaxa mudug says:

    jaalayaal
    ingriisna waa ku sheegay soomaalina waa ku sheegay. war meesha sartu ka quruntay waa mageerteen halkaanoo ay diideen inay laba kala reebaan oo ayan sina isu qaadan.
    1-puntland ka dagi mayno oo cid aan anaga ahayn ku soo bixi mayso
    2-cawar calaan oo kalana joojin mayno inaan lasoo shir tagno
    meesha baneeya hadii aynaan ba iyo ta meesha ka keenayn
    sharafta alla idin ka qaadye

    dhulbahante ceeb ma leh waayo ninkii weax haysta baa ceebi kortaa.

    • Atoore says:

      KU:Dawaco Mudug (Libaxa Mudug).
      Waxaad tahay qof naaqusa oo an dhammayn.In aad saas tahay waxaa ka markhaati ah hadaladaada wada beenta iyo xanta ah.Haddii ad xayaato leedahay had iyo jeer dad an waxba kaa qabin ma adan caydeen.
      1.Miskiin yahoow ninka ad cayda la dabo joogtid waa ninka afrika oo dhan ugu shahaadada weeyn oo uusan haysan qof kaloo madoow shahaadadaas.Haddii u yahay saad ku sheegtid miyuu awoodi lahaa in uu gaaro meesha uu maanta joogo?Ninkaad cayda la baratay waa Gaas.Gaasna dhulkuu xukuma wanaag buu ka wadaa intuu ka gaaro.Ma waxaad rabtaa in uu Gaas sida dagaal oogayaasha xamar dadka laayo oo uu u hanjabo oo uu laaluush qaato oo uu bixiyona?War Gaas saas oo kale kuma shaqeeyo mana aha nin u jawaaba dadka iska hadla.
      2.Khashiin yahoow maadaama aysan soomaaliya guud ahaan wali ka jirin doorashada qof iyo cod waxaa madaxweynaha puntlaan doorta baarlamaanka oo ka kooban 66 kursi.Ninkii u cod bata baana ah ku guulaystay jagadaas.Saas la soco badaw yahoow xumaanta lasumtay.

  12. Gabar Harti says:

    WAC dr Cawad kkkkkkkk waabad imaantay ninyahoow thx lkn boqortooyada adigaaba iiga horreeyay inta boqornimada sheegatana waa in maqaar saar ah iyo in ASSAL ah sida reer Makhir.

    Waa runtaa oo waa kuwaas kala cararay markaan runta usheegnay FAAN BEEN ah beeyba nagu wareeriyeen maalin dhoweeyd baan arkayay midka wata magaca Somali inuu qossol iyo CAAY isku darayey asaga iyo masaakiinta rerr iidoor sidii ayagoo dad ka adkaaday!!! Hadana weey arkaan waxa is diriraya ineey yihiin DHIIG LAAWAYAAL iscunaya oo isu jawaabaya. Xoolo nimadii iyo naceeybkii baa halkaas kala dhacay. Naag iyo nin waa isku wada mid mana kala duwanaCAJIIB!

  13. Dablariday says:

    @Gabar Harti, waad kor istaagtay warka, siday tahaadna u dhigtay….duf kubaxa dheh kuwa siyaasi ku sheegga ah ee hor boodaya talada beesha aad ka hadashay..Waqti xeero iyo fandhaal kala dhaceen bay ayagoo gorodda laalaadniaya nagu soo noqon doonaan oo na oran doonaan waad naga saxsanydeen, Somali cid rabtaa ma jirto, iyagu (siyaasiyiinta Darood) xataa ma rabaan Soomaali ee hunguri iyo waxan dheefi ka raacayn bay daba socdaan…

  14. Libaaxa Mudug says:

    waagii doorasho la gaaro baad arki doontaan dad cabdi wali calaan horboodaya. oo amaanaya oo u doodaya.
    reer puntland kor iyo haasna wax ugu sheegay.
    maxaa u diiday tolka reer mageerteen inay “denounce” gareeyaan calaan cabdi wali gaas.. iyadoo kalsoonidii lagala laabto. inta loo imaado maalin cadeey war heedhe dhaadhaanyohow anaga nama matashide orod oo na waydaaro.

    haatana ani waxaan ka badin la’ahay halkii salaan carabeey “iska haraye aakhirana waa laba huraantii”

  15. Ahmed says:

    Good job. Maanta si wanaagsan ayaad u baroorateen. Inaydin iska aamustaan ayaa la idiin qaadan lahaa. Kkkkkk

  16. Somali says:

    Kkkkkkk ALAA ALAAA war hadaan arkay kooxadan meesha ku soo ambatay,looooo kkkk SHEEKO YAR AYAAN SOO XUSUUSTAY,KKK NIN DOQON AH AYAA LUMAY SIDII LOO RAADINAYAY AYAA LA SOO HELAY,MARKAA AYUU YIRI MAXAA LAAYGA SOO HELI BARRI AYAAN LUMAYAA HADANEE,GABADHA SHARAFTA BADAN EE AAD DHABARKEEDA KU WADA XAROOTEEN WAAY UUN TAGI.EE GABADHA RASAASTA AAD U DHIGAAYDAAN KA DAAYA KKKKKKK KKKKKKK KKKKKKK



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...