Thursday, February 22nd, 2018
.

Madaxwaynaha DDS Itoobiya Iyo Hogaamiyaha Jubbaland Oo Ku Kulmay Nairobi

,
Published on February 13, 2018 by   ·   5 Comments

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Axmed Madoobe) oo ku sugan dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi ee dalkaasi kula kulmay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Kulankaan ayaa ahaa mid aan horay loosii shaacin,waxana weli la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Nairobi u jooga wadahadalo uu la leeyahay Masuuliyiin ka tirsan Jabhada ONLF oo dagaal kula jirta Itoobiya,iyada oo ay dhex dhexaadineyso dowladda Kenya.

Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe oo Muqdisho uga qeyb galay shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa wada hadalo uu la yeeshay qaar ka mid ah Hogaamiyeyaasha dalka u ambabaxay Nairobi.

Spread the love
.

Readers Comments (5)

  1. axme says:

    Maxaad u Tiri Hogaamiyaha Jubalaan, kan kale ee aan amar iyo nahyi toona laheyn aad Madaxweyne ugu tilmaantey. ujedadaada lama garan karo isa sax.

  2. axmed says:

    Maxaad u Tiri Hogaamiyaha Jubalaan, kan kale ee aan amar iyo nahyi toona laheyn aad Madaxweyne ugu tilmaantey. ujedadaada lama garan karo isa sax.

  3. axmed says:

    Maxaad u Tiri Hogaamiyaha Jubalaan, kan kale ee aan amar iyo nahyi toona laheyn aad Madaxweyne ugu tilmaantey. ujedadaada lama garan karo isa sax. Wax edeb darran ayaad tahey Xayawaan.

  4. Atoore says:

    ASC.
    Qofka fulaygaa waxaa lagu yaqaan qofkuu wax ka sheegayo ma sheego magaciisa.Qofka maanta wata magaca Axmad yaad u jawaabtay oo ad u soo dirtay qoraalada kor ka muuqda?Masee adigaa isla hadlaya?Tan kale haddii ad tahay Axmadkii reer waqooyi kuguma aqoon saad maanta u caytantay ee haddii ad adigii tahay maAnta miyay kugu KACSAN TAHAY?

  5. Abdikadir says:

    Waxaa wanaagsanaan lahayd in layiraahdo
    Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida KENYA iyo Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...