XOG; Halkuu ku danbeeyaa Khilaafka u dhaxeeyay MD Farmaajo iyo RW Kheyre?

Warar laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in khilaafka u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre uu yara qafiifay markii ay dhex geleen Xildhibaan iyo Siyaasiyiin caan ah.

Khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa salka ku hayay Arrimo dhowr oo ay uga darneyd qalab Imaaraadka uga xayirnaa Dekadda Muqdisho oo inta uu Ra’iisal wasaare Kheyre tagay ogaal la’aan ku fasaxay.

Arrintaasi ayaa ka sii dartay Khilaafka Labada mas’uul ee ugu sareysa dalka,waxaana hadda warar heleyso Marqaannnews.com ay sheegayaan in xaalada yara qaboobday,islamarkaana inta badan xalinteeda lagu guuleystay.

Xildhibaano si aad ugu kala dhow Xafiisyada Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa arinta galay waxay ku qanciyeen iney muhiim tahay in wax waliba danta ummmada Soomaaliyeed laga eego.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa loo sheegay in khilaafkooda iyo kala tagooda uu farxad gelinayo Mucaaradka ka horjeeda Dowladda.

Xaaladda labada mas’uul ayaa hadda degan waxay si joogta ah isku weedaarsadaan amuuraha ku soo kordha dalka iyo siyaasada ay hogaanka u yihiin.

Marqaan Media Group.

Kala Xirir.

Email:Saxafi12@gmail.com

6 Comments

  1. Waxaa waayahan Xamar ka soo if baxaya dhaqan xumada wariifnimada dhoocilaha lagu yaqaanno iyo weliba wallac siyaasiyiinta Hawiye kaga dhacay warbaahinta iyo media-ha. Inta warar xun ee dawladda federaalka mise madaxda sare laga faafinayo giddi waxaa hawada soo mariya siyaasiyiin Hawiye oo weliba aad u kooban. Ummaddii baa yaab iyo amankaag ku maqan xaqiiqdii.

    War dad meel iyo arrin wadaagaayi is maandhaaf, kala duwanaansho aragtiyeed iyo khilaaf ba way dhex maraan oo waa caadi. Macnuhu ma aha in ay colloobeen mise ay dirireen. Sideeda ba in la kala aragtiyo iyo dareen duwanaado nolosha aadmiga ayay u wanaagsan tahay oo waa aasaaska horumarka iyo xallinta xaaladaha iyo duruufaha adag ee mar kasta lagu sugan yahay.

    Kuwan se iyagu naga la dhammaan la’ madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa isku dhaggan waa mujrimiinta nacabka sokeeye ah ee dalkeenan in uu dib u burburo aadka u jacel, iyaga oo dano gaar ah ku wata. Dalkiina u hoggaansama oo ka daaya hagardaameynta khara ee!

  2. Ninacas aan xishooneyn ayaad tahay umad dhan siyaasiyintooda inaad aflagaadayso miyey caqliyadaada kabadin waysay war doqon yahow hawiye waa xor adigoo gumaysi isaaq kujira miyaad hawiye waxka sheegeysaa siyaasiyiintinii hawiyaa magangalyo siiyey markay dhulkoodii kunoolan waayeen hadaadan xishooneyn waxaa doonto kuhadal

  3. ASC.
    Cismaan Cawad.
    Waa saad u sheegtay oo nimanka had iyo jeer soo alifa oo faafiya beenta iyo isku dirka madaxda soomaaliya iyo shacabka soomaliyeedba waa niman u dhashay beesha habar gidir oo ma aha hawiyaha kale.Saad tiriba waa niman ka horjeeda in la soo nabad celiyo qarankii soomaaliweeyn ee ay ayagu awalba bur-buriyeen.Waa niman wata dano ayaga u gaara.Waa koox habar gidir ah oo u harjadaya in ay shacabka koonfurta soomaaliya dhiig miirtaan.Sida kuwa hadda la leeyahay waxay saddex jibaareen qeymihii Xajika lagu aadi jirey oo horey u ahaa $1,600 oo ay haddana ka dhigeen $3,800.Waxay halmar ku darsadeen $2,200 00 doolar.Nimankaas oo bixiyey laaluush oo loo qoray in aysan cidkale qaadi karin Xujayda soomaalidaa.Waa kooxahaas kuwa diidan nabada iyo dawladnimada soomaaliya.Waana nimankii soomaali soo dhiigmiiranayey last 27 years.Ma aha niman cidna u naxa oo toodaa u cad.Waa kuwaas kuwa soomaali kala geeyey ama kala fogeeyey.Hawiye iyo Daarood midna shaqo kuma leh oo danahooda xaaraamtaa baa u muuqda.

  4. @ Atoore,

    Qaar weli qaddiyadihii dhicisoobay ee USC iyo SNM dacalka ku sii dhaggan baa hoostaas is kala socda oo waxan oo sawaxan ah soo hurinaya. Sida khubarada dhimirka u qaabilsan laga hayo dadka mintidka ahi waa macangagyo aanay gari galin oo ka bixin. Marka ay qaddiyad waaqiciga ka baxsan sida ta qabiiliga ah mise siyaasadda dareenka cunsurnimo ku salaysan cabsan yihiin loo maba taag helo sidooda ba waayo waa nin ay meeli baasi u caddahay meesha rooni ka madoow. Qaranka Soomaaliya waxaa Eebbe ku badbaadin karaa shacabka xalaasha ah ee jacel oo u daneeya iyo hayadaha dawliga; dastuurka; qawaaniinta; xeerarka iyo sharciyada qaranka la dhammeystiro oo lana dardar galiyo. Markaasi nidaamka jira ayaa mumin iyo munaafaq kala saari lahaa oo lagu kala bixi lahaa.

  5. S/C,WAAN SALLAAMAYA DADKEEYGA SOOMAALIYEED EE AAN JECLAHAY,KUWA WANAAGA JECEL IYO XATAA KUWA XUMAHA WADA ALLAHA SOO HANUUNIYEE,BACDAMAA XUMA JECLAYASHA AYAAN XOOGAA WAANO AH U SHEEGAYAA,WAR HEEDHAHAYA DALKAAN SOO ANAGA MA LIHIN HADII AANAN WANAAGIISA KA SHAQEEYN OO XUMAHA KA FOGAAN SIDEE AYAAN UGA BAXAYNAA CIILKAAN NA GUUMAARIYEY?CADOWGEENA NAGU JEESJEESAYA NAKLALA QAYBINAYA NA GUMEEYNAYA SIDEN ISAGA DHICINAA HADUU MAANKIINA IYO ARAGTIDIINA DHAAFI LA DAHAY DANO SHAQSI AMA DANO REER?WAR ANIGA XAASKAYGA OO AAN AAD IYO AAD U JECLAHAY SAAXIIBKA IIGU DHOW AH IN BADAN AYAAN ISKU QABANA SIDAAN XAAJO KA YEELI LAHEEYN,WAA KU KALA ARAGTI DUWANAAN KARNAA DANAHEENA SIDAAN ULA XAAJOON LAHJEEYN,WAXAAN NAHAY LABO SHAQSI OO DAN WADAAG AH,MARKA MICNUHU MAAHA IN AAN KU KALA TAGEEYNO AMA IS DAGAALNAY EE WAA TEE BAA NOO WANAAGSAN IN AAN RAACNO,HADII AAN ANAGA XALIN WEEYNO WAA NALA DHEX GALAYAA WAA CAADI EHELKA IYO FAMILKA WALIBA ANIGOO AH NINKII REERKA,WAXAAN ULA JEEDAA LABO QOF OO WADA MAAMUL AH QASAB WAX WAA DHEXMARAYAAN WAA LA IS QABAN WAXU WAA RAG TALO WADAAGAYA MARKA NAGA DAAYA BUUN BUUNISKA NEGATIVE ENERGY GA AAD WADAAN,MADAXDEENA ALLAHA GUULEEYSIIYO,WAA LIBAAXYO MAANKOODU DHAAFSAN YAHAY CALOOSHOOD LA CAYAARNIMO DAN SHAQSI DAN REER WAA KUWAAN SUGEEYNAY,MARKA BILAA CALEEYK HADAAD ILMO XALAAL AH OO MUSLIMNIMO KU DHASHAY TIHIIN SOOMAALI NALA TIHIIN NAGA DAAYO XUMAHA IYO ISKU DIRKA AAD HAD IYO JEER KA DHEXWADAAN DADKEENA DALKEENA IYO DIINTEENA.NOLOL IYO NABAD AYAAN DOORANAY.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*