Thursday, February 22nd, 2018
.

AKHRISO: Culimadda Puntland oo baaq u diray dowladda Soomaaliya

,
Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments

Culimadda maamulka Puntland ayaa  soo saarey bayaan ku wajahan Dowladda Federalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyadda, Baarlamanka Soomaaliya, Gollaha Wasiiradda Dowladda Federalka iyo Culimada Soomaaliyeed ka dib kulan ay uga xaajoodeen Arrimaha Xajka iyo  Cabashada xoogan ee ka jirta kharashka laga qaado Xaajiyadda Soomaalida xilliyadda ay u dhoofayaan Cumraysiga.

BAYAANKA CULIMADA PUNTLAND EE KU WAJAHAN DAWLADDA FEDERALKA

QODOBADA BAYAANKU TAABANAYO

Annagoo ah culimada Puntland ee ku kulantay Garowe waxaan taageersanahay hannaanka wanaagsan ee dawladda federalku wax ku wado kaasoo ku astaysanmaamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.Waxaan hadaba baaqaan u soo gudbinaynaa madaxda dawladda federalka,madaxda dawlad-goboleedyada, baarlamaanka federalka, golaha wasiirada,culinmada soomaaliyeed iyo cid kasta oo masuuliyad ku leh arimaha xajka iyocumarada.

Wuxuu baaqayagu ka kooban yahay arimahan hoos ku qoran:

1- Waxaan taageersanahay baaqii hore ee culimada puntland u gudbisay madaxweynaha dawlada federalka xilligii uu safarka ku yimid puntland.

2- Sidoo kale waxaan taageersanahay warsaxaafadeedkii wasiirka cadaalada,arimaha diinta iyo dhaqancelinta puntland uu jeediyey ee uu kaga hadlay arimaha xajka iyo cumrada soomaaliya.

3- Waxaan ku baaqaynaa in dawladda federalku si buuxda ula wareegtogacantana ku dhigto dhammaan arimaha xajka iyo cumrada dibad iyo daakhilba.

4- Waa inay Shacabka soomaaliyeed oo abaaro iyo colaado diloodeen helaan sinnaan iyo cadaalad kana baxaan dulmiga iyo musuqmaasuqa, si ay Rukniga islaamiga ah ee Xajka iyo cumrada u gutaan.

5- Waa in tartan furan oo xor ah ay helaan shirkadaha doonaya inay ka shaqeeyaan arimaha xajka iyo cumrada.

6- Shacabka soomaaliyeed waa inay la mid noqdaan shucuubka kale ee geeska afrika xagga kharashka iyo dhammaan adeegyada xajka iyo cumrada.

7- Waa in la suuragaliyaa sidii shacabku fiisaha uga heli lahaayeen gudaha dalka,lagana soo wareejiyaa safaaradaha sacuudigu ku leeyahay Jabuuti iyo Naitobi,si ay u fududaato arimaha xajka iyo cumrada.

Allah baa mahad leh

Waa baaqii Culimada Puntland ee ku kulantay Garowe

Spread the love
.

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...