Thursday, February 22nd, 2018
.

Xaaf “Annaga iyo DF-ka waan tashanay”

,
Published on February 12, 2018 by   ·   1 Comment

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay u diyaar garoobeen sidii guud ahaan la isugu furi lahaa dalka, si loo gaaro horumaro balaaran.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayuu sheegay in ay aad uga wada hadleen sidii dalka la isugu furi lahaa jidadkiisa iyo xoreyntiisa intaba.

Wuxuu sheegay Madaxweyne (Xaaf) in Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada aysan shaqeyn Karin hadii aanay shacabka guud ahaan garab istaagin Dowladda Federaalka, Canshuurtana aysan bixin in waxba aysan soconeyn.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay hadii aanay shacabka canshuurta bixin in aanan la gaareyn horumar, aysana jiri doonin Waxbarasho tayeysan, Caafimaad buuxa, iyo Amni la isku haleyn karo, wuxuuna ku baaqay in si joogto ah loo bixiyo Canshuurta.

Madaxweyne (Xaaf) ayaa sheegay hadii ay yihiin Dowlad Goboleedyada in ay ku tashadeen in Dowladda Federaalka ay la shaqeeyaan, Maamul walbana uu degaankiisa uga xoreyn lahaa xoogaga ururka Al-shabaab.

“Annaga hadaan nahay Dowlad Goboleedyada waxaan u diyaar garownay inaan dalka xoreyno, waxaan u diyaar garownay inaan talaabooyin adag qaadno, Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada waxa ay aad uga hadleen xoreynta dalka, Qofkasta waxaa waajib ku ah in dalka uu dhiniciisa ka ilaaliyo, Annaaga hadaan nahay Dowlad Goboleedyada waxaan ku balanay in Maamul walba uu degaankiisa ka xoreeyo cadowga.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa gacanta ku haya oo maamula Magaalooyin ka tirsan Gobolada dalka, Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa qaaday dhowr jeer Dagaallo, balse Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa wuxuu Howlgalkooda u muuqdaa mid aanan buurneyn oo horey u socod aanan laheyn.

Spread the love
.

Readers Comments (1)

  1. Atoore says:

    ASC.
    Haddii uu Mr.Xaaf rabo in la isu furo gobalada soomaaliya dhammaantood meesha uu xukumo ha ka ciribtiro Mooryaan iyo Shabaab.Meesha uu xukumo baa ah meeshay dhibaatada oo dhan ka soo fusho.Ardiga uu leeyahay waan xukumaa NUS waxaa xoog ku haysta Shabaab iyo Burcad Badeed.Tan kale haddeerba soomaaliya Hargeeysa ma ahee inta kale way isu wada furan tahay ee goormaa la kala xiray?Qofka ka soo xaba Kismaayo waxuu tagari karaa calawla.Qofka ka soo baxa xamar meeshuu rabuu puntlaan ka dagi karaa oo waa dhulkiisii.Kan ka yimaada Boorame Boosaasuu ganacsi ka suubin karaa.Kan ka yimaada Beledweyne waa kan furdada boosaas ka shaqeeye,laakiin mid boosaso ka tagay oo xamar tagay furadada xamar shaqo loogama ogola.Calaa kulli xaal soomaaliweeyn way isu furan tahay.Shacabka soomaaliyeedna shido weyni ma dhextaal ee siyaasiinta iyo Ganacsadata xamar baa soomaali kala hortaagan.



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...