Thursday, February 22nd, 2018
.

Shabaab oo sheegtay in ay dilal ka geysteen Gedo iyo Hiiraan

,
Published on February 12, 2018 by   ·   1 Comment

Xoogaga ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay rag hubeysan oo ay ugu yeeraan guutada Iqtiyaalaatka in dilal qorsheysan ay ka fuliyeen magaalooyinka Baardheere iyo Beledweyne oo ku kala yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Shabaabka ayaa sheegtay dilka ka dhacay magaalada Baardheere in lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Axmadey.

Sidoo kale Idaacadda Andalus ayaa sheegtay xoogaga ururka Al-shabaab ee dilka geystay in ay qaateen Qoriga iyo Booshkii uu watay Askariga, islamarkaana halkaasi ay ka baxsadeen raggii dilka geystay.

Dhanka kale Shabaab waxay kaloo sheegeen magaalada Beledweyne ee dhacda bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Galbeedkeeda in ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Guhaad.

Marka laga soo tago sheegashada ururka Al-Shabaab ee dilalkan ka kala dhacay magaalooyinka Baardheere iyo Beledweyne ma jirto ilo madax banaan iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo warkan xaqiijinaya.

Spread the love
.

Readers Comments (1)

  1. Atoore says:

    ADC.
    kuwa ku faana (shabaab)in ay dilaan dadaan wax dambi ah lahayn Ilaahay (swt) ah ka jaaseeyo adduun iyo aakhiroba.Waxaan dil ahayn ma yaqaaniin.Xal kale ma ahayaan ee an dil iyo xasuuq ahayn.Waa shayaadiin lagu soo imtixaamay ummada soomaaliyeed ee dhibaataysan.Rabbi (swt) kuwaas ha ka qabto dadka soomaaliyeed ee dagaalada sokeeye ku soo jirey 49 sano ee la soo dhaafay.



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...