Thursday, February 22nd, 2018
.

Khayre oo dhowr arrimood ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed

,
Published on February 12, 2018 by   ·   1 Comment

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay su’aalo waa weyn in shacabka Soomaaliyeed ay horyaallaan sanadkan 2018-ka iyo 2019-ka, hadii aanan laga jawaabina aanan la gaareyn hamiga Dowladda Federaalka ay leedahay.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre hadii suuragal ay noqoto in laga jawaabo su’aalahaas adag in awooda loo soo celiyo shacabka Soomaaliyeed, Madaxda Qarankana ay ku dadaalayaan sidii dalkan loo gaarsiin lahaa Doorasho Qof iyo Cod ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalabay in Dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan sidii lo dhameystiri lahaa Dastuurka, Nuuca Doorasho ee dalka uu yeelanayo, Arrimaha Cadaaladda, Horumarka dalka iyo wax walba oo ku saabsan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay shacabka uga baahan tahay taageero buuxda, cidii aanan Dowladda garab istaageyninna keliya ay joojiso dhibaatada.

Khayre ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad casho sharaf aheyd oo Madaxda Dowlad Goboleedyada loogu sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida qorshaha uu yahay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa 28-ka March ee sanadkan waxa ay isugu tagayaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo lagu qaban doono shir looga hadlayo dhameystirka Kheyraadka dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Spread the love
.

Readers Comments (1)

  1. Atoore says:

    ASC.
    Waa run oo shacabka soomaaliweeyn arimo badan baa wada horyaal.Mar kale ayana waa run oo dadweynuhu waa in ay la shaqeeyaan dawladooda.Laakiin shaqada shacabku waxay ku xiran tahay in dawlada laga arko say wax ku wado.Haddii aysan shacabku u bogin waxqabadka dawlada ayaguna wax fiican ma tarayaan dawlada.
    Isla markaas Xassan Cali Khayre wali koonfurta soomaaliya ayuu Ra’sulwasare u yahay oo xukunkiisu sooma gaarin meelo la rabay in uu gaaro.Laakiin midbaan shaki ku jirin oo ah in uu ka fiican yahay Cumar Cabdirashiid 97%.Taasi waa run oo fadlan yaan lagu murmin.Labada nin ee hadda wadanka maamula way ka fiican yahiin labadii hore ee wadanka CURYAAMIYEY.



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...