Thursday, February 22nd, 2018
.

Axmed Madoobe oo si faah faahsan uga hadlay Maqaamka Muqdisho & Cida ku dhegan

,
Published on February 12, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Maqaamka Caasimadda oo waqti badan soo jiitameysay, is qabqabsi badana faraha la galay, wuxuuna su’aal ka keenay Maqaamka Muqdisho.

Wuxuu sheegay Maqaamka Caasimadda in mar walba meel loo jiido oo mararka qaar lagu eedeeyo in ay heystaan Madasha iyo Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay arrintan in ay tahay mid Dastuuri ah, muhiimna ay tahay in la qeexo Maqaamka Caasimadda iyo mida Gobolka, qof walba oo Soomaali ahna ay dan ugu jirto.

Axmed Madoobe ayaa sheegay shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeelanayeen in ay ku baaqayeen in la dadejiyo  Maqaamka Caasimadda, wuxuna sheegay in isaga uu horboodi doono dadka u doodaya Maqaamka Muqdisho, taasi bedelkeeda wuxuu dalbaday in la yareeyo in la isku xanto arrintan.

“Waxaa aad looga hadlaa Gobolka Banaadir, Caasimadda, Maqaamka, xagee laga heystaa horta ? laakiin marka wax la sheeg sheegayo waxbaa afka la isku saar saaraa, mar waxaa la yiraahdaa Madasha iyo Baarlamaanka ayaa heysta, Waxaan is leeyahay arrintaasi waa mid Dastuuri ah, dhowr jeerna waan ka hadalnay, shirarkii uga dambeeyay waxaan uga hadleynay in la dadejiyo Maqaamka, aniga ayaana horgal u noqon doona, waxaan rajeynaa arrintan in hada kadib aanan la isku xaman doonin.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa hadalkan ka sheegay xilli xalay uu magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad casho sharaf aheyd oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka qeyb galay shirka Golaha Amniga oo 10-kii bishan la soo gaba gabeeyay.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo 21-kii bishii January 2018 uu xilka ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay waxyaabaha xilkiisa uu ku waayay in ay ka dhasheen laba arrimood oo kala ah xasiloonida iyo nabadgelyada Gobolka Banaadir iyo shirka wadatashiga Nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir oo looga hadli lahaa maqaamka Muqdisho, waxayna tani muujineysaa in Madaxda Dowladda Federaalka aysan la dhacsaneyn Maqaamka Caasimadda.

Spread the love
.

Readers Comments (0)



FEATURED VIDEO

wararkii hore

SAWIRRO: Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo xabsiga ka sii daayay 1,500 maxaabiis

February 22, 2018
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ku dhawaad  1,500 Qof oo ka tirsan ...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa

February 22, 2018
Musuqmaasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso ...

DHAGEYSO: Canshuur laga qaado Shacabka oo aan ku dhicin qasnadda dowladda

February 22, 2018
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka ...

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

February 22, 2018
Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan ...

DAAWO; Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee aas-aaskooda

February 22, 2018
Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda,iyadoo munaasabad lagu weynayo ...